Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dibuheshiisiinta mudane Axmed Macallim Fiqi oo ka jawaabaya go’aankii golaha wasiirada XFS ee todobaadkii la soo dhaafay iyo soo jeedintii wasaaradda Amniga Gudaha ee ahaa ka qeybqaadashada dhiiragalinta iyo garab istaagga ciidamada amniga caasimadda oo ku guulaystay sugidda amniga caasimadda taasoo suuratagalisay in dadweynaha caasimaddu ay nabadgalyo iyo xasilooni ku soomaan sanadkan, dhanka kalena ku guulaystay ka taqalusidda kooxihii sharta badnaa ee ciyaal weerada iyo ka hortagga fal dambiyeedyadii kooxda argagixisadu ay bulshada ku dhibaatayn jireen.
Mudane Axmed Fiqi waxaa uu maanta ku wareejiyey laba neef oo geel ah wasiiru dawlaha Wasaaradda Amniga Qaranka Maxamed Cali Xagaa iyo taliska qeybta guud ee Gobolka Banaadir.
Wasaaradda Arrimaha Guduhu waxaa ay bogaadinaysaa isla markaana garab taagan tahay ciidamada qalabka sida noocyadooda kala duwan, waxayna si gaar ah u bogaadinaysaa ciidamada Booliska oo ku guulaystay amniga caasimadda, ayadoo aan dhiiragalinayno in dadaalka iyo hawsha hawsha halkaas laga sii wado.