Wasiir Fiqi Oo Shir Guddoomiyey Kulanka Billaha Ee Wasaaradda

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta mudane Ahmed Moallim Fiqi ayaa maanta shir guddoomiyay kulanka billa ah ee wasaaradda, kaas oo lagu qiimeeyo halbeegyada iyo howlaha hortabinta leh ee socda.

 

Kulan oo uu goobjoog ka ahaa agaasimaha guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta mudane Aidarus Hassan ayaa waxaa sidoo kale qeyb ka ahaa agaasime waaxeedyada iyo lataliyeyaasha Wasaaradda, waxaana lagu soo bandhigay waxyaabaha qabsoomay bisha April iyo qorsheyaasha bilaha May iyo June.

 

Ugu dambeyntii, Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta mudane Ahmed Moallim Fiqi oo kulanka ka hadlaya ayaa marka hore waxaa uu ka warbixiyey xaaladda guud ee dalka, howlaha dib u xorreynta, amniga caasimadda, xasillinta, isaga soojeediyay in shaqaalaha ay qeyb ka noqdaan howlaha qaranka.

 

Dhanka ajendaha kulanka, waxaa uu Wasiir Axmed Fiqi bogaadiyay shaqada lasoo qabtay April iyo bilaha ka horeeyey ee sanadka iyo sida ay u socdaan qorshaha halbeegyada iyo howlaha isaga oo faray kaqeybagalayaasha dadejinta howlaha inta badan kahor August si looga fogaado iskudul imaanshiyaha howlaha ee dhammaadka sanadka.