๐Œ๐ฎ๐๐š๐ง๐ž ๐€๐ก๐ฆ๐ž๐ ๐Œ๐จ๐š๐ฅ๐ฅ๐ข๐ฆ ๐…๐ข๐ช๐ข ๐จ๐จ ๐…๐š๐ญ๐š๐ก๐š๐š๐๐๐š ๐๐š๐š๐ซ๐๐ก๐ž๐ž๐ซ๐ž ๐Š๐š๐ฅ๐š ๐’๐ก๐ข๐ซ๐š๐ฒ ๐Š๐ฎ๐ฑ๐ข๐ ๐ž๐ž๐ง๐ค๐š ๐„๐ซ๐ ๐ž๐ฒ๐ ๐š ๐”๐-๐ค๐š ๐ž๐ž ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐‡๐ž๐ฒโ€™๐š๐๐จ ๐‚๐š๐š๐ฅ๐š๐ฆ๐ข ๐š๐ก.

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta mudane Axmed Macallim Fiqi ayaa maanta shir guddoomiyay kulan xoogga lagu saarayo waxyeeladda fatahaadda Webiga Jubba ee bulshada Baardheere ee gobolka Gedo iyo sida loogu gargaarayo uu la qaatay kuxigeenka ergeyga xogheyaha guud ee Qaramada Midoobey iyo heyโ€™ado Samafal oo maxali iyo caalami isugu jira.
ย 
Heyโ€™adaha kulanka mudane Axmed Macallim Fiqi qeybta ka ahaa waxaa ka mid ahaa hay’adaha samafalka sida SODMA, UN-OCHA, WFP, IOM, UNICEF, FAO iyo UNHCR.
ย 
Iyada oo laga ambaqaadayo hagidda Wasiirka Arrimaha Gudaha mudane Ahmed Moallim Fiqi waxaa ay heyโ€™adaha samafalka caalamiga ah iyo saxiibada Soomaaliya balanqaadeen sida ay uga goโ€™antahay in gurmad Baniiโ€™aadnimo oo degdeg ah lala gaaro bulshada ku dhibaateysan Baardheere iyo weliba xal u helidda fatahaadaha.