Munaasabadda Bandhigga waxqabadka xukuumadda Soomaaliya ee “Dan Qaran” ee lixdii bil ee lasoo dhaafay.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo bandhigga waxqabadka 6-da bil ee xukuumadda khudbad kajeediyey, kana hadlay tiirka “Soomaali Heshiis ah” ayaa sheegay in iyadoo la dabaqaayo aragtida Soomaali heshiis ah dib loo howlgaliyay Golaha Wadatashiga Qaranka oo ah gole loo asaasay in lagu xaqiijiyo Jirititaanka, horumarinta iyo xiriirka wada shaqayn ee u dhaxeeya Xukaamadda FS iyo Dowlad Goboleedyada iyo Maamulka Gobolka Banaaadir.

Wasiir Ahmed Mo’allim Fiqi, waxaa uu intaa ku daray in Golaha oo ahmiyad wayn ugu fadhiya dalka, Soomaali heshiis ahna asaas u ah, uu kulammo yeeshay 10-ki bil uu Madaxwayne Xasan Sheekh doornaa ilaa 5-mar, islana qaatay hannaanka loo maraayo heshiisyada ay galayaan, qaab dhismeedka golaha iyo qodabada Wada xaajoodka iyo dhaqan galinta go’aannada ay soo saaraan.

 

“Waxaa ugu waynaa waxyaabihii ay ku heshiiyeen in la asteeyo awoodaha heerarka kala duwan ee Dowladda, awoodaha u gaarka ah dowladda waxaa lagu xadiday 44, halka awoodaha u gaarka ah Dowlad Goboleedkana laga dhigay 52, waxaa la dhamaystiray hannaanka garsoorka ee dalka, waxaa lagu heshiiyay qaab dhismeedka Amniga. Waxaa kaloo lagu heshiiyay Federaalaynta Maaliyadda dalka” ayuu yiri wasiir Ahmed Mo’allim Fiqi”.

Mar uu ka hadlay “Dhab u heshiisiinta”, waxaa uu yiri,

“Xukuumadda Dan Qaran waxaa u suura gashay in ay dib u eegis ku sameyso hannaanka Qaran ee Dhab-u-heshiisiinta, iyadoo la dabaqaayo arrintaas waxaa hirgalay Dib u heshiisiinta Koonfur Galbeed Soomaaliya oo Baydhabo lagu qabtay Wajigeeda 1-aad iyo wajigeeda 2-aad, Guddoomiyaha Golaha Shacabka Md. Sh. Adan ayaa kulan Dhab u heshiin u sameeyay qaybaha kala duwan ee bulshada KGS, iyadoo lagu heshiiyay in bulshada ku dhaqan KGS ay ka wada shaqeeyaan Nabadda iyo horumarka deegaannadooda, sidoo kalana la dhameeyay colaadihii iyo khilaafyadii lagu muransanaa ee ka jiray xag maamul iyo xag beelba, wuxuu qabsoomay kulankaas 17 Janaayo 2023 waxaana Guddoomiyay Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya Dr. Xasan Shiekh Maxamuud illaa iyo 10 maalmood ayaa halkaas la fadhiyay. Wajiga 2-aad isaguna waxaa qabsoomay 30 Janaayo 2023 iyo maalmihi ka dambeeyay, Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa wajiga 2-aad fidiyay kulanka Dib u heshiisiinta, waxaan ka qaybgalay Maamulka iyo siyaasiyiinta KGS oo la ogyahay Xaaladooda meesha ay maraysay.

Isla howlaha dib u heshiisiinta, wasiir Ahmed Mo’allim Fiqi waxaa khudbaddiisa ka mid ahaa, 

“Sidoo Madaxwaynaha waxaa uu horkacay Dib u heshiisiin ka dhacday Hirshabeelle gaar ahaan Cadale, halkaas oo ay beelo walaalo ah ku dagaallameen waxaa lagu heshiiyay;

  1. In la joojiyo dagaalka wixii maalinkaas ka dambeeyo
  2. In qofkii dila qof la qisaasi doono.
  3. In Loo istaago la dagllaanka khawaarijta, Sidoo kale Madaxwaynaha wuxuu Kismaayo u aaday arrimo Dib u heshiisiin, gaar ahaan khilaafyada Jubbaland ee dhanka Gobolka Gado”.

Arrimaha xasillinta; waxaa Khudbadda wasiirka ka mid aheyd,

“ Waxaa tiirkaan ku jira arrimaha Xasilinta ee deegaannada la xoreeyay in lagu baahiyo nidaamka Dowladnimo ee dalka, waxaa gargaar la gaarsiiyay 105 goobood, waxaa dib u dhis lagu sameeyay ceelasha ay dumiyeen Khawaarijta. Meelaha shaqada laga qabtay ee ugu muhiimsan waxaa ka mid ah Aadan Yabaal, Balcad, Jowhar, Maxaas, Matabaan, Beladwayne, Buulabarde, Jalalaqsi, Baxdo, wisil, xaradheere iyo Ceel Dheer”.

Kahortagga macluusha waxaa uu ka yiri,

Barnaamijka ka hortagga macluusha, waxaa la magacaabay Ergay gaar ah ka hor inta aan xukuumadda la dhisin, markii xukuumadda la dhisayna waxaa toos loo howlglaiyay Hay’adda SODMA, waxaa laga hortagay Macluusha, sidoo kale waxaa si toos loogu gurmadaa qarax walba oo dhaca”.

Ugu dambeyntii, mudane Axmed Macallim Fiqi, wasiirka arrimaha gudaha waxaa dimoqoraadiyadeynta dalka ka yiri,

“Arrinta Dimuqraadiyeynta iyo Dowladaha hoose,  waxaa la dhisay 15 Gole Degmo, waxaa la hirgaliyay shirciga aqoonsiga iyo diiwaangalinta Dadwaynaha, sharciga machadka qaran ee Dowladaha hoose ayaa dhamaaday, sharciga Diiwaangalinta Madaniga ah iyo Tirakoobka Dhacdooyinka muhiimka ah ayaa dhamaaday”.