Mudane Fiqi oo Furay Shirka wadatashiga qaran ee Hindise sharciyeedka Diiwaangelinta Madaniga ah iyo Tirakoobka Dhacdooyinka Muhiimka ah.

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta mudane Axmed Macallim Fiqi ayaa maanta caasimadda Muqdisho ka furay shirka labo maalmood ah oo ku saabsan wadatashiga qaran ee Hindise sharciyeedka Diiwaangelinta Madaniga ah iyo Tirakoobka Dhacdooyinka Muhiimka ah.

 

Shirka uu oo sidoo kale goobjoog ka ahaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta mudane Caydaruus Macallim iyo mas’uuliyiin kale ee kascotay heerarka kala duwan ee dowladda federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah dowladda federaalka ah, gobolka Banaadir iyo bulshada rayidka ah ayaa ugu horreyn khudbad kooban oo uu Wasiirka Arrimaha Gudaha Mudane Axmed Macallim Fiqi ka jeediyey kulankan waxaa uu uga hadlay ahmiyadda arrintan isaga oo yiri “ Hindise sharciyeedkan waxaa uu nidaaminayaa mid kamid ah adeegyadda asaasiga ah ee ay Dowladdu bixiso ee dad-dhigista sida (dhalashada, guurka, furiinka, caruur korsashada, dhimashada, diiwaangelinta qoyska, degenaashaha iyo arrimo kale).

 

Wasiirka Arrimaha Gudaha Mudane Axmed Macallim Fiqi, mar uu ka hadlayey heerarka uu soo maray hindise sharciyeedka waxaa uu yiri “ Hindise sharciyeedkan oo diyaarintiisu ay Wasaaradda Arrimaha Gudaha wadday muddo dheer, waxaa uu ka mid yahay dadaalo badan oo wasaaraddu galisay sidii dalka uu uga hanaqaadi lahaa nidaam diiwaangelin madaniya oo casri ah, dadaaladaas waxaa kamid ahaa sida daraasado nidaamyada diiwaangelinta madanigaa, diyaarintii siyaasadda qaran ee diiwaangelinta madaniga ah iyo istaatistikada dhacdooyinka muhiimka ah oo golaha wasiiradu ansixiyeen bishii Agoosto 2019, dhismisiha iyo howlgelinta guddiga hagidda diiwaangelinta madanigaa oo ka kooban dhammaan madaxda hey’adaha kala duwan ee heerarka dowladda ee qeybta ka ah diiwaangelinta madaniga ah iyo howlo ballaaran oo ay wasaaraddu ka waddo sidii loo yagleeli lahaa nidaam diiwaangelin electronic ah” .

Ugu dambeyntii, Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta mudane Axmed Macallim Fiqi waxaa uu sheegay in Hindise sharciyeedkan uu hagayo siyaasadda qaran ee diiwaangelinta madaniga ah iyo istaatistikada dhacdooyinka muhiimka si waafqsan shuruucdii hore ee dalka, dowladaha hoose ay gundhig u yihiin bixinta adeegan kaalinta dowladda federaalkuna uu qeexanay yahay si waafaqsan heshiiskii awood qeybsiga ee Golaha Wadatashiga Qaran isaga oo ka qeybgalayaasha kulankan wadatashiga ah kula dardaarmay in inta uu shirka socdo ay wax ku daraan, saxaanna si wadatashigan oo kama dambeys ah kadib loogu gudbiyo baarlamaanka federaalka ee Soomaaliya oo ka gudan doona waajibaadka dastuuriga ah.