Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta mudane Axmed Macallim Fiqi ayaa maanta degmada Kaaraan uga qeybgalay siyaaraddii 28-aad ee Sheekh Cali Cabdulle.
Mudane Axmed Fiqi, Wasiirka Arrimaha Gudaha oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in ay tahay wax lagu farxo kulan weynaha noocaasi ah, oo muujinaya in dariiqooyinka ay si xor ah dikri u wataan isaga oo intaa raaciyey in shaqada dowladdu tahay weyneynta Diinta Islaamka.
“Diin is qarxineysa, masaajid qof lagu dilayo, iyo dad la dhibayo waa wax meel kale nooga yimid” ayaa ka mid ahaa erayada Wasiir Fiqi oo sidoo kale dhiirigeliyey kulamada ceykaasi ah.
Siyaarada waxaa kasoo qeybgalay dhammaan qeybaha kalq duwan ee bulshada.