Wasiir Arrimaha Gudaha Mudane Fiqi oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Ergeyga iyo Safiirka Norway ee Soomaaliya

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta mudane Axmed Macallim Fiqi ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay ergeyga Norway ee Soomaaliya Heidi Elburgi Johansen iyo safiirka dalkaasi u fadhiya Muqdisho Haakon Svane.

 

Kulanka Inta uu socday, arrimmaha xoogga lagu saaray waxaa ugu weynaa Xasillinta, soo kabashada, dadaallada dib u heshiisiinta iyo arrimo kale.

 

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta mudane Axmed Macallim Fiqi oo kulanka ka hadlay ayaa Norway uga mahadceliyey sida ay u taageerto dadaallada kala duwan ee dalka ka socday.

Dhankooda, mas’uuliyiinta Norway ayaa sheegay sida ay uga go’antahay in ay gacan ka geystaan howlaha kala duwan ee ka socda guud ahaan Soomaaliya.