Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta mudane Axmed Macallim Fiqi ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay kuxigeenka ergeyga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Anita Kiki Gbeho.
Kulanka labada dhinac ayaa xoogga lagu saaray arrimaha Xasillinta, Dib u heshiisiinta, Dib usoo kabashada goobaha dhowaan la xoreeyey iyo arrimo kale.
Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta mudane Axmed Macallim Fiqi oo kulanka ka hadlay ayaa ku nuuxnuuxsaday dadaallada dib u xorreynta ee socda, howlaha Xasillinta iyo guud ahaan arrimaha hortabinta leh ee ay dowladda iyo Wasaaraddu arkaan in ahmiyad lasiiyo.