Garasbaaley: Mudane Fiqi oo Kaqeybgalay Kulan Dadweyne oo Looga Hadlay Khatarta Maandooriyaha iyo Khawaarijta

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Mudane Ahmed Moallim Fiqi ayaa ka qaybgalay Kulanka Dadwaynaha ee La Dagaallanka Maandooriyaha iyo Khawaarijta Al-shabaab.

 

Kulanka oo ay ka qaybgaleen Wasiirka Arrimaha Gudaha, Wasiiru dowlayaal iyo Wasiir ku xigeenno ka tirsan XFS, Xildhibaanno Golaha Shacabka BFS, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo ku xigeenkiisa Amniga & Siyaasadda, qaar ka mid ah Guddoomiyeyaasha Gobolka Banaadir iyo Saraakiil ka tirsan Ciidmada Amniga ayaa u jeedkiisu ahaa sidii bulshada loogu wacyigalin lahaa maandooriyaha, isla markaana loola dagaallami lahaa kooxaha Khawaarijta.

 

Ugu Dambayn, Wasiir Ahmed Moallim Fiqi oo hadal u jeediyay maamulka iyo shacabka Garasbaalley ayaa ugu baaqay Bulshada Soomaaliyeed gaar ahaan dadka reer Garasbaalley in ay ka shaqeeyaan nabadda, islamarkaana soo sheegaan kooxda khawaarijta ee ku caanbaxday gummaadka iyo dhibka ay ku hayaan shacabka Soomaaliyeed ee aan waxba galabsan.