Soomaaliya oo 5 Milyan oo Doolar uga Qeybqaadatay u Gargaaridda Walaalaha Ku waxyeeloobay Dhulgariirka Turkiga

Waxaa maanta caasimadda Muqdisho lagu qabtay xaflad ay soo qabanqaabiyeen guddiga qaran ee gurmadka dalka Turkiga uuna hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta Mudane Axmed Macallim Fiqi taas oo la guddoonsiiyay safaaradda Turkiga ee Muqdisho lacag dhan $5,000,000 ( Shan Malyan oo dollar) oo u dhiganta 94,100,000TL oo looga qeygalayo Gargaarka Dadkii dhibaatadu ku gaartay Dhulgariirka Turkiga ka dhacay.

 

Xafladda oo aheyd heer sare ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Kusimaha Madaxweynha ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya Xambe Cabdi Barre, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Yusuuf Xuseen Jimcaale (Madaale) iyo qeybaha kala duwan ee bulshada sida ganacsatada, odeyaasha, dhalinyarada iyo haweenka.

 

Ugu horreyn, Guddoomiyaha Guddiga qaran ee gurmadka dalka Turkiga ahna Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta Mudane Axmed Macallim Fiqi ayaa u mahadceliyay dhammaan dadkii iyo hey’adii qeybta ka ahaa barnaamijka gurmadka sida shirkadaha ganacasatada, gobolka Banaadir, xildhibaannada golaha shacabka, dowlad goboleedka Koonfur Galbeed, bahda waxbarashada, haweenka Soomaaliyeed iyo shacabka Soomaaliyeed oo bixiyay $5, 000,000 ah, oo u dhiganta 94,100,000TL.

 

“Ma gudi karno abaalka ay noo galeen walaalaheen Turkiga, laakin shantan milyan oo qalbiga dadka Soomaaliyeed kasoo go’ay, waxaan rajeyneynaa in ay boqol Milyan ka fiicnaato, Shacabka Soomalaiyeedna la ogaado inuu yahay mid abaalguda”, Mudane Ahmed Mo’allim Fiqi, Wasiirka Arrimaha Gudaha Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS.

 

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho oo isna khudbad ka jeediyay ayaa lacag kale ku daray middii ay horay u bixiyeen isaga oo yiri, 

“Marna ma iloobi doono wixii ay noo qabteen maalintii ay mudneyd, taas ayaa keeneysa in aan la iloobin, maalin dadkeena isku dhex daadsan yihiin, ilmaheena hooyadood ay ku dul dhimanayaan qaaje darteed, cid gurmad u fidisa aysan jirin, ayuu inta diyaar soo qaatay(Erdogan) iyo xaaskiisa ay halkan yimaadeen kadibna indhaha adduunka ayey nagu soo jeediyeen, taasi ayaa waxaa ay keentay in aan iloobi weyno”.

 

Safiirka Turkiga ee Soomaaliya Ibrahim Mete YAĞLI oo munaasabadda ka hadlay ayaa ka mahadceliyay lacagta ay bixiyeen dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed isaga oo yiri,

“Waxaan si kal iyo laab idiin kugu sheegayaa in lacagtan la iigu wareejiyay iyo haddiyadaan ay aheyd gargaarkii loo fidiyay Turkiga kii ugu qiimaha badnaa”.

 

Dhankiisa Ra’isul Wasaaraha xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre oo ka hadlay munaasabadda ayaa ugu mahadceliyey shacabka Soomaaliyeed sida ay uga qeyb qaateen taageerada walaalaha Turkiga, isaga oo dalalka gobolka, kuwa Afrika, Carabta, Yurub iyo Waqooyiga Mareykanka ku booriyay in ay maanta Soomaaliya abaalgeshtaan, si loogu mago.

“Waxaan halkan uga magadcelinayaa guddiga taakuleynta walaalaha Turkiga oo uu guddoomiyaha u yahay Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta Axmed Macallim Fiqi iyo dhammaan xubnaha kale oo dadaal aan caadi aheyn muujiyay, na tusay maalintii la magacaabay dadka Soomaaliyeed oo xaflad weyn dhigay halkaasina ay kasoo baxday kartida ay u leeyihiin in ay howshan gudan karaan” ayuu intaa raaciyay mudane Ra’isul Wasaare Xamse Barre.

 

Kusimaha Madaxweynaha ahna guddoomiyaha golaha shacabka mudane Aadan Madoobe oo isna goobta ka hadlay ayaa waxaa uu yiri,

“Dhaqaalaha maanta la bixinayo ma aha dhaqaale buuran marka loo fiiiro waxa aan isku nahay, laakin waxaa buuran niyad wanaagga umadda Soomaaliyeed oo burbur ku jirta oo la ogyahay xaalkeeda oo niyad wanaag muujisay taas ayaa loo qaateen ah, sidaa darteed waxaan rajeyneynaa in niyad wanaaggaas u qaataan.