Wasiir Ahmed Fiqi, oo maanta Aqalka Sare Horgeeyey Hindise Sharciyeedka Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Dadweynaha

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta Mudane Ahmed Moallim Fiqi ayaa maanta horgeeyey golaha Aqalka Saree e baarlamaanka federaalka ee Soomaaliya hindise sharciyeedka Diiwaangelinta iyo Aqoonsiga Dadweynaha.
 
Khudbad uu Wasiir Ahmed Moallim Fiqi kahor akhriyay golahan ayaa waxaa uu ugu horreyn sharaxay ahmiyadda hindise sharciyeedka isaga oo yiri “Waxaan maanta hortiina u imid in aan aqriska koowaad marsiinno hindisaha aqoonsiga iyo diiwaangelinta dadweynaha oo aan rajaynayo in aan ka wada shaqaynayno in soo saaristiisu ay xal u noqoto sugitaanka jiritaankeena qofeed iyo aafooyin kale oo la xiriira oo ay ka mid tahay waxa ay afka qalaad ay ugu yeeraan ” Dhibaato Garan-waa – identity crisis”.
 
Mudane Ahmed Fiqi, waxaa uu hoosta ka xariiqay in hindise sharciyeedkan uu muhiim u yahay dowladnimada sida hirgelinta nidaamka aqoonsiga, la dagaalanka musuqa iyo amni darrida, udub dhexaadka nidaamka canshuuraha, dhiirigelinta adeegyada bulshada iyo la gaaro doorasho qof iyo cod.
Muhiimadda kale ee uu qofka Soomaaliga u leeyahay, Wasiirka waxaa uu sheegay isu socodka, sugidda hantida ma guurtada ah iyo xuquuqo kale oo asaasi ah.
Ahmiyadda waxaa ka mid ah sida uu mudane Ahmed Moallim Fiqi , sheegay mid uu ganacsiga u leeyahana waxaa ka mid ah xallinta caqabadaha shirkadaha sida isgaarsiinta, bangiyada iyo xawaaladaha.
 
Mudane Ahmed Moallim Fiqi , Wasiirka Arrimaha Gudaha arrimaha uu ugu dambeyntii ka ahadlay waxaa ka mid ahaa heerarka uu soo maray hindise sharciyeedkan iyo wax kabadalka lagu sameeyey, isaga oo uga mahadceliyey Aqalka Sare wadashaqeynta.
 

Hindis sharciyeedkan Diiwaangelinta iyo Aqoonsiga Dadweynaha ayey meelmariyeen golaha shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya March 1, 2023.