Maxay Ka Wada Hadleen Wasiir Fiqi iyo Ururka Iskaashiga Islaamka?

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta Mudane Axmed Macallim Fiqi ayaa talaadadii kula kulmay caasimadda Muqdisho mas’uuliyiin ka socotay ururka Iskaashiga Islaamka.
Mudane Axmed Macallim Fiqi,  Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo mas’uuliyiintan uu hoggaaminayay kaaliyaha Xoghayaha Guud ee arrimaha siyaasadda, Danjire Yuusuf Maxamed Aldobeay ayaa ka wada hadalay arrimaha badan oo ay ka mid yihiin howlgallada dalka ka socda, xasillinta, gargaarka banii’aadnimo, caafimaadka, waxbarashada iyo arrimo kale.
Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta mudane Axmed Macallim Fiqi oo kulanka ka hadlay ayaa ugu horreyn uga mahadceliyay ururka Iskaashiga Islaamka howlaha ay ka fuliyaan Soomaaliya gaar ahaan caafimaadka iyo waxbarashada, isaga oo dul istaagay horumarrada xilligan ka socda Soomaaliya gaar ahaan dib u xoreynta, xasillinta iyo arrimo kale, waxaa uuna soo qaatay muhiimadda ay leedahay in ay gacan ka geystaan.
Dhankooda, Ururka Iskaashiga Islaamka waxaa ay ballanqaad ka sameeyeen gargaar degdeg ah oo ay soo gaarsiin doonaan Soomaaliya, waxaa kale oo ay carrabta ku adkeeyeen xoojinta xiriirka labada dhinac.
Ururka Iskaashiga Islaamka waxaa la aasaasay 1969-kii, iyada oo ay xubno ka yihiin 57 dal.