Agaasimaha Guud ee Wasaaradda oo shir guddoomiyay Kulanka Guddiga Sare ee Latalinta Dib u Heshisiinta

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta mudane Caydaruus Macallim Cabdulle ayaa maanta guddoomiyey shirka guddiga sare ee latalinta ee hannaanka Dib u Heshiisiinta.

Shirkan oo sidoo kale ay goobjoog ka ahaayeen mas’uuliyiin ka socotay dowlad goboleedyada, saxiibada Soomaaliya iyo qeybaha bulshada ayaa xoogga lagu saaray howlaha Dib u heshiisiinta ee dalka, dadaallada hannaanka Dib u heshiisiinta Qaran iyo arrimo kale.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha mudane Caydaruus Cabdulle oo goobta ka hadlay ayaa ku dheeraaday dadaallada dalka ka socda Dib u Heshiisiinta, sida ay hortabin ugu tahay Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo dowladdaba, ahmiyadda hannaanka Dib u heshiisiinta qaran, heerka uu marayo dib u eegista iyo hiigsiga isaga oo rajeeyey in natiijada ay noqoto mid qaranka wax badan ku tarta.

Warbixinno lagu soo bandhigay kulanka waxaa inta badan lagu dul istaagay Hannaanka Dib u heshiisiinta Qaran ee sanadihii tagay, heerarka uu soo maray, caqabadaha, shirarkii iyo dadaallada Dib u eegista iyo hiigsiga bilaha soo socda.

Mas’uuliyiinta ka socotay dowlad goboleedyada oo kulanka ka hadlay ayaa ammaanay dadaallada Wasaaradda arrimaha gudaha ee guud ahaan dib u heshiidiinta iyo qaab socodka hannaanka Dib u heshiisiinta qaran, iyada oo taageeray hannaanka, soona jeediyay in la dardargeliyo, ajendahana ugu noqdo, si uu wax uga taro nabadda iyo horumarka dalka.

Deeqbixiyeyaasha iyo saxiibada Soomaaliya ka caawiya arrimaha Dib u heshiiisiinta oo kulanka qeyb ka ahaa ayaa dhankooda ammaanay wadashaqeynta leh heerarka kala duwan, iyaga oo balanqaad ka sameeyey taageerada hannaankan Dib u heshiisiinta qaran, hirgelintiisa iyo guud ahaan howlaha ay waddo Wasaaradda Arrimaha Gudaha