Wasiirka Arrimaha Gudaha Axmed Fiqi: Waa Xilligii Ay  Soomaaliya Noqon Laheyd Deeqbixiye

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta Mudane Axmed Macallim Fiqi ayaa maanta kormeeray xarunta hey’adda maareynta musiibooyinka isaga oo kala hadlay arrimo badan oo gudaha iyo dibadda ah.

 

Hey’addan oo ka mid ah hey’adaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa mudane wasiir Axmed Macallim Fiqi waxaa uu warbixin ku aaddan howlaha xarunta ka dhageystay maalmulkooda iyaga oo hordhigay howlaha shaqo ee xarunta, arrimaha hortabinta leh iyo qorsheyaashooda.

 

Dhankiisa, Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta Mudane Axmed Macallim Fiqi oo la hadlay hoggaanka iyo howlwadeennada xarunta ayaa bogaadiyay shaqada ay shacabka ku hayaan ee la xiriirta gurmadka degdegga ah iyada oo ay duruufo adag jiraan.

 

Mudane Fiqi, waxaa uu sidoo kale ka hadlay in la joogo xilligii ay Soomaaliya noqon laheyd dal deeqbixiye ah, oo taakuleyn kara dalal kale oo saxiib la ah.

 

Wasiirka Arrimaha Gudaga, waxaa uu ugu dambeyntii, kula dardaarmay maamulka iyo shaqaalaha hey’adda maareynta musiibooyinka in ay qaabeeyaan arrimaha caawinta.