Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo u Xilsaaran Dhaqangelinta Heshiiskii Koonfur-Galbeed

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta waxay soo dhowaynaysaa Shirkii Dib u heshiisiinta Koofur Galbeed oo isafgarad iyo guul ku soo dhamaaday, waxayna wasaaradda bogaadinaysaa kaalinta lama ilaawaanka ah ee Madaweynaha Jamuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ka qaatay guulaysiga labadii waji ee shirkaasi lahaa.

 

Sidoo kale waxay wasaaraddu bogaadinaysaa kaalinta guddoomiyaha shacabka Barlamaanka Federaalka Soomaaliya Md. Sheekh Aaadan Madoobe iyo guddigii farsamada ee uu magaaabay, Madaxweynaha Koofur Galbeed Abdiaziz Xasan Maxamed (Laftagareen) iyo siyaasiyiinta mucaaradka ah oo muujiyey tanaasul iyo biseyl siyaasadeed, kana heshiiyey khilaafkii Siyaasadeed ee u dhexeeyey ayagoo u turey shacabka Koofur Galbeed, islana meel dhigey mustaqbalka siyaasadeed ee Koofur Galbeed.

 

Wasaaradda Arrimaha Guduha waxay ka mahadcelinaysaa kalsoonida dhinacyada kala duwan ay siiyeen iyo in ay isku raaceen in wasaaradda Arrrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiinta ay dhaqangeliso qodobada heshiiska, ayadoo wasaaradda u gudan doonta hawlaheeda si hufan oo mas’uuliyadi ku jirto.