Dowladda Soomaaliya Oo Ka Qaybgashay 20 Sano Guurada Heshiiska QM Ee Ka Dhanka Dambiyada Abaabulan

 

 

 

Palermo 30 Sept 2023, Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u- heshiisiinta XFS Mudane Axmed Macallim Fiqi oo socdaal shaqo kujooga dalka Talyaaniga ayaa uga qeybgalay magaalada Palermo shir heer wasiir ah oo lagu maamuusayay 20 sano guurada heshiisiinta Qaramada Midoobay ee ka dhanka ah dambiyada abaabulan ee ka gudba Xuduudaha.

 

 

 

 

 

Shirkan oo muddo labo maalin ah socday ayay hoggaamiyeyaasha iyo khubarada kala duwan xoogga ku saareen arrimo ay ka mid yihiin; Ka ganacsiga dadka, tahriibka iyo tahriibinta iyo hannaanka ay tahay in looga hortago dambiyada ceynkaa ah ee ka dhaca Badda.

 

 

 

 

 

 

Ugu Dambayn, Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Mudane Axmed Macallim Fiqi ayaa madasha shirka sheegay ahmiyadda ay leedahay in laga hortago arrimaha ka ganacsiga dadka, tahribka iyo tahriibinta.