- January 17, 2023
- Posted by: Abdiaziz Gurbiye
- Categories: Koonfur Galbeed, Kulamada, Wararka
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo galabta furay shirka Dib u Heshiisiinta Koonfur Galbeed ayaa ku dheeraaday muhiimadda wada hadalka, nabadeynta iyo dib u heshiisiinta umadda isaga soo qaatay heerarka kala duwanaa ee uu soo maray maamul goboleedkaasi.
“Maanta waxaan isugu nimid oo aan ka wada hadleyno waxaa ay tahay dowladda Koonfur Galbeed aan ilaashanno, kii hadda hayow noo ilaali, kan usoo socdow noo sii ilaali, wax kale aan ka hadalno, baladkan dadka rabitaankiisa iyo xorriyadooda marna lagama gorgortami karo, waxaa reeban nin qori wato, oo dhahaya aniga warkeyga haddii la dhageysan waayo dadka ayaan dilaa, maamulka iyo dowladnimada ayaan duminaa” ayuu yiri Madaxweye Xasan.
Madaxweyne Xasan waxaa uu kasoo qeybgalayaasha shirka u sheegay in laga gudbay xilligii qoriga, oo wada hadal keliya uu furan yahay isaga oo rajeeyey in gogosha noqoto mid barako, waxaa uuna yiri “32 ka bacdi mashaakilaadkeenna in aan qori ku xalinno ama midkii awooddii iyo dowladnimadii heystaahi oo mushkilada dadka kasoo dhex muuqda uu qori ku xallin tago, mid kale ee kasoo horjeeday ama rabay inuu talada iyo xukunka yimaado uu qori ku raadiyo, waayo aragnimo nagu filan ayaan qabnaa, meesha ay ku dhammaaneysana waan naqaanaa, sideedaba waxaan rabaa gogol barako, dad walaalo ah, oo ehel ah oo wax yar ay dhex mareen waaye, waxaan rabaa sida guddoomiyaha u sheegay gogoshan waa furitaankeedii, maanta laga bilaabo, berri wixii dhacay ama dadka kala gaaray qalbigooda ayaa la bilaabaa, odeyaashii dhaqanka oo ku xeerdheeraa, oo khubarada ahaa waa noo joogaan, taas ayaan ka daawoobeynaa, lugteenna xarigaas shalay ah ayaan ka fureynaa, si aan u soconno oo berri iyo meesha aan hiigsaneyno u gaarno”.
Ugu dambeyntii, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Xasan Sheekh waxaa uu dadka xusuusiyey cadowga dhabta ah ee Soomaaliya isaga oo ka yiri “Soomaaliya haddii aan nahay, Soomaaliya meel kasta aan uga noolaanee hal cadow ayaan qabnaa, mid labaad ma qabno, halka cadow oo aan qabno nimankaas Khawaarijta ah waaye, cadow kale oo maanta walaalayaal Soomaaliya ka jiro ma jiro”.
Shirka Dib u Heshiisiinta Koonfur Galbeed oo socon doona maalmaha soo socda ayaa waxaa ka qeybgalaya siyaasiyiinta maamulkaasi u matalaya heerarka kala duwan ee dowladnimada iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.