Wasiirka Arrimaha Gudaha oo Bogaadiyey Xoreynta Degmooyin Ka Tirsan Galgaduud iyo Mudug

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta Mudane Axmed Macallim Fiqi ayaa bogaadiyey xorreynta degmooyin ka tirsan Galgaduud iyo Mudug oo maanta laga saaray Khawaarihta.

Farriinta Wasiir Axmed Fiqi ayaa si gaar ah ugu wajahneyd xorreynta ciidamada xoogga dalka, kuwa Galmudug iyo dadka deegaanka ee degmooyinka Galcad iyo Xarardheere.

Ciidamada Xoogga dalka, kuwa Galmudug iyo dadka deegaanka oo iskaashanaya ayaa xoreeyey ilaa saddex degmo oo ka tirsan gobollada Galgaduud iyo Mudug kuwaas oo kala ah: Galcad, Ceeldheer iyo Xarardheere.

Farriinta Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta: