๐ค๐ฎ๐ฅ๐š๐ง๐ค๐š ๐Ÿ๐š๐ซ๐ฌ๐š๐ฆ๐จ ๐ž๐ž ๐ƒ๐ข๐› ๐ฎ ๐ž๐ž๐ ๐ข๐ฌ๐ญ๐š ๐‡๐š๐ง๐š๐š๐ง๐ค๐š ๐ƒ๐ก๐š๐› ๐ฎ ๐ก๐ž๐ฌ๐ก๐ข๐ข๐ฌ๐ข๐ข๐ง๐ญ๐š ๐ช๐š๐ซ๐š๐ง.

๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐š๐๐๐š ๐€๐ซ๐ซ๐ข๐ฆ๐š๐ก๐š ๐†๐ฎ๐๐š๐ก๐š ๐Ÿ๐ž๐๐ž๐ซ๐š๐š๐ฅ๐ค๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐ƒ๐ข๐› ๐ฎ ๐ก๐ž๐ฌ๐ก๐ข๐ฌ๐ข๐ข๐ง๐ญ๐š ๐ž๐ž ๐—๐ฎ๐ค๐ฎ๐ฎ๐ฆ๐š๐๐๐š ๐…๐ž๐๐ž๐ซ๐š๐š๐ฅ๐ค๐š ๐š๐ก ๐ž๐ž ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐š๐ฒ๐š๐š ๐ฆ๐š๐š๐ง๐ญ๐š ๐ฐ๐š๐ฑ๐š๐š ๐š๐ฒ ๐ค๐ฎ ๐๐š๐š๐ก๐Ÿ๐ฎ๐ซ๐ญ๐š๐ฒ ๐œ๐š๐š๐ฌ๐ข๐ฆ๐š๐๐๐š ๐Œ๐ฎ๐ช๐๐ข๐ฌ๐ก๐จ ๐ค๐ฎ๐ฅ๐š๐ง๐ค๐š ๐Ÿ๐š๐ซ๐ฌ๐š๐ฆ๐จ ๐ž๐ž ๐ƒ๐ข๐› ๐ฎ ๐ž๐ž๐ ๐ข๐ฌ๐ญ๐š ๐‡๐š๐ง๐š๐š๐ง๐ค๐š ๐ƒ๐ก๐š๐› ๐ฎ ๐ก๐ž๐ฌ๐ก๐ข๐ข๐ฌ๐ข๐ข๐ง๐ญ๐š ๐ช๐š๐ซ๐š๐ง.
Kulankan oo socon doona muddo shan cisho ah ayaa waxaa kasoo qeybgalay Xafiisyada Madaxweynaha, Raโ€™isul Wasaaraha, Iyo qaybaha Bulshada rayidka ah.
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Mudane Aidarus M Hassan oo ugu horreyn furay shirka ayaa ka hadlay ujeedka iyo ahmiyadda Kulanka Farsamo ee Dib-u-eegista Qorshaha Hannaanka Dhab u heshiisiinta Qaran isaga oo kaqeygalayaasha ku booriyey in lagu dadaalo sidii loo heli lahaa natiijo wadar ogol ah.
Dhankiisa, Agaasimaha waaxda Dib u heshisiinta ee Wasaarada Arrimaha gudaha Federaalka iyo dib u heshisiinta mudane Cabdirahmaan Xaashi Faarax oo isna ka hadlay kulanka ayaa sharaxay ujeedooyinka Laga leeyahay kulanka isaga oo soo qaatay qodobbo ay ka mid yihiin:
  • In turxaan bixin guud lagu sameeyo Hannanka Dhab-u- heshiiinta Qaran.
  • In lagu soo kordhiyo waxyaabaha muhiimka ah ee ka maqan HDHQ.
  • ย In laga dhigo hannaan waaqici ah oo abaaraya xididka khilaafka iyo xudunta xalka.
  • ย In laga dhigo hannaan waafaqsan siyaasadda xukuumadda, lana jaanqaadayada isbadaladda ka socda dalka iyo arrimo kale.
Masโ€™uuliyiinta kulanka ka hadashay waxaa kale oo ka mid ahaa Lataliyaha Arrimaha Dib u Heshiisiinta ee xafiiska Raโ€™iisul wasaaraha Cali Cabdi Awaare isaga oo sheegay in ay muhiim tahay in hannaankan lagu soo daro isbedelka cimillada iyo arrimaha xagjirka.
Agaasimaha Arrimaha Bulshada Madaxtooyada Maxamed Aadan Dugoow ayaa dhankiisa xusay muhiimadda ay leedahay Dhab u heshisiinta dadka Soomaaliyeed iyo sida baahi degdeg ah loogu qabo heshiis bulsho, arrimahaas oo wax weyn ka tari doona horumarka.

Cismaan Muxidiin Shaatax, Guddoomiyaha Ururrada Bulshada rayidka oo isna ka hadlay Kulanka Farsamo ee Dib-u-eegista Qorshaha Hannaanka Dhab u heshiisiinta Qaran ayaa sheegay in dib u eegistan wax badan lagu soo kordhiyey oo muhiim ah, isaga oo ammaanay sida ahmiyadda loo siinayo in wax lagu kordhiyo.

๐ƒ๐š๐š๐ฐ๐จ: ๐Š๐ก๐ฎ๐๐›๐š๐๐๐š ๐€๐ ๐š๐š๐ฌ๐ข๐ฆ๐š๐ก๐š ๐†๐ฎ๐ฎ๐ ๐ž๐ž ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐š๐๐๐š ๐€๐ซ๐ซ๐ข๐ฆ๐š๐ก๐š ๐†๐ฎ๐๐š๐ก๐š, ๐Œ๐ฎ๐๐š๐ง๐ž Aidarus M Hassan ๐ž๐ž ๐ค๐ฎ๐ฅ๐š๐ง๐ค๐š ๐Ÿ๐š๐ซ๐ฌ๐š๐ฆ๐จ ๐ž๐ž ๐ƒ๐ข๐› ๐ฎ ๐ž๐ž๐ ๐ข๐ฌ๐ญ๐š ๐‡๐š๐ง๐š๐š๐ง๐ค๐š ๐ƒ๐ก๐š๐› ๐ฎ ๐ก๐ž๐ฌ๐ก๐ข๐ข๐ฌ๐ข๐ข๐ง๐ญ๐š ๐๐š๐ซ๐š๐ง.ย ย https://fb.watch/i3Gjntjgsp/

ย 

ย 

ย