Wasiirka Arrimaha Gudaha Mudane Axmed Macallim Fiqi oo Khudbad Ka Jeediyey Golaha Shacabka ayaa Sheegay in Hindise Sharciyeedka Aqoonsiga Qaranka iyo Diiwaangelinta uu Dhagaxa u dhigayaa Hirgelinta nidaam aqoonsi casri.
Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta mudane Axmed Macallim Fiqi ayaa maanta ka qeybgalay kulanka golaha shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya kaas oo akhrinta 1-aad la marsiinayey Hindise Sharciyeedka Aqoonsiga Qaranka iyo Diiwaangelinta Dadweynaha.
Mudane Axmed Macallim Fiqi, Wasiirka Arrimaha Gudaha oo ka hadlay kulanka ayaa xildhibaannada golaha shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ah u sheegay muhiimadda ay leedahay aqoonsiga dadweynaha iyo diiwaangelintooda.
Wasiirka Arrimaha Gudaha Mudane Axmed Macallim Fiqi, oo arrintaas ka hadlayey waxaa uu yiri “Hindise-sharciyeedkan wuxuu dhagaxa u dhigayaa hirgelinta nidaam aqoonsi casri ah oo bixiya caddeyn aqoonsi lagu kalsoonaan karo kaas oo fududeeya bixinta adeegyo wax ku ool ah, tayeysan oo loo dhanyahay”.
Nidaamkan waxaa uu sare u qaadi doonaa kalsoonida dhammaan diiwaangelinnada oo ay ka mid yihiin diiwaannada hadda ay sameeyeen dowladaha hoose ee loo yaqaan diiwaangelinta madaniga ah iyo saxnaanshiyahooda, isaga oo sahlaya baa’inta soo noqnoqoshada diiwaannada xogta, waxaa uuna noqon doonaa isku xiraha barnaamijyada iyo diiwaan xogeedyada kale ee dalka”, Ayuu intaa raaciyey mudane Axmed Macallim Fiqi.
Arrimaha kale oo uu Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta Mudane Axmed Macallim Fiqi oo carabta ku adkeeyey waxaa ka mid ahaa in Aqoonsiga uu sahlayo aqoonsiga dambiilaha isaga oo yiri“Waxaa dhowr sano ka hor dhacdey in nin la raadinayay oo la yiraahdo Ilkacase oo dilaa ahaa loo xilsaaray isla ninkii inuu soo baaro Ilkacase taasna waxaa sabab u ahayd in aysan jirin ID card casri ah”.
Hindise sharciyeedka aqoonsiga iyo diiwaan gelinta dadweynaha ayaa horay golahan shacabka loogu qeybiyey 9-kii bishan halka golaha xukuumaddana Dan Qaran ay soo ansixiyeen January 5.
𝐃𝐚𝐚𝐰𝐨: 𝐊𝐡𝐮𝐝𝐚𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐆𝐮𝐝𝐚𝐡𝐚, 𝐅𝐞𝐝𝐞𝐫𝐚𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐈𝐲𝐨 𝐃𝐢𝐛 𝐮 𝐡𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬𝐢𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐌𝐮𝐝𝐚𝐧𝐞 Ahmed Moallim Fiqi 𝐮𝐮 𝐤𝐚 𝐣𝐞𝐞𝐝𝐢𝐲𝐞𝐲 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐡𝐚𝐜𝐚𝐛𝐤𝐚 𝐞𝐞 𝐁𝐚𝐚𝐫𝐥𝐚𝐦𝐚𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐅𝐞𝐝𝐞𝐫𝐚𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐚𝐡, 𝐤𝐚𝐧𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐦𝐮𝐡𝐢𝐢𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐚𝐪𝐨𝐨𝐧𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐝𝐚𝐝𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐈𝐲𝐨 𝐝𝐢𝐢𝐰𝐚𝐚𝐧𝐠𝐞𝐥𝐢𝐧𝐭𝐚. https://fb.watch/i3FNY_TFC0/