Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo Qeyb ka aheyd Kacdoonka Muqdisho ee Ka Dhanka ah Khawaarijta

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta ayaa hoggaan iyo shaqaalaba waxaa ay maanta qeyb ka ahaayeen kacdoonka shacab ee ka dhacay Muqdisho kaas oo uu horkacayey madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta mudane Axmed Macallim Fiqi ayaa ka mid ahaa mas’uuliyiinta xukuumadda federaalka ah Soomaaliya ee reer Muqdisho kala qeybgalay kacdoonka shacab oo ka dhan ah Khawaarijta Shabaab.

Dibadbaxan weyn ee ka dhacay garoonka kubadda cagta ee Eng Yariisow ayaa ahaa mid shacabka ku muujiyeen cabsi la’aanta ay ka qabaan Khawaarijta iyaga oo ballanqaaaday in ay iska celin doonaan.

Dhankooda, shaqaalaha Wasaaradda ayaa guud ahaan qeyb ka ahaa dibadbaxa iyo kacdoonka dhacyey iyaga oo watay boorar muujinaya kacdoonka shacab ee socda iyo diidmada falalka Khawaarijta.