Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa arbacadii furay shirka sannadlaha ah ee garsoorka dalka.

Khudbad uu madasha kajeediyey, ayaa waxaa uu bogaadiyey shirka iyo halheysa sabadkan ee ah federaaleynta Garsoorka, waxaa uuna xusay muhiimadda uu garsoorka u leeyahay dalka iyo dadka, gaar ahaan arrimaha ka xiriira mideynta hannaanka shaqo ee garsoorka iyo hirgelinta caddaaladda.

“In aan isku tagno kalsooni aan abuurno, oo maxkamadda degmada fog joogto ay dacwad heer federaal ah qaadi karto, waajibka noo yaal waa kalsooni abuurid, oo dadku arkaan, oo ku qancaan shaqada, oo dadka cabsida amni laga qaado, oo taas marka laga qaado aaney iska deysaanin, oo xeydaabka xeerarka dhexdooda ay xor ku yihiin” ayuu yiri Madaxweyne Xasan.

Madaxweyne Xasan oo sii hadlayey ayaa sheegay in Dowladda Federaalku ay qaadday tallaabooyin muhiim u ah awoodsiinta garsoor hufan, iyadoo shirarkii Madasha Wadatashiga ee Muqdisho ku soo gabagaboobay bishii la soo dhaafay lagu ansixiyey hannaanka Federaaleynta Garsoorka, dowladdana ay ka go’an tahay adkeynta madax-bannaanida iyo kalsoonida shacabku ay ku qabaan hay’adaha caddaaladda isaga oo yiri “Garsoorku waa madax-bannaan yahay. Golaha Sare ee Adeegga Garsoorka waxaa loo sameynayo waa in aan la faro gelin. Ma dooneyno dalka Soomaaliya guduhiisa in ay ku noolaadaan labo muwaadiniin oo kala xuquuq ah oo lakala faddilo.”

“Jamhuuriyadda saddexaad waajibka saaran waa in ay dadka isku soo celiso, oo dad muwaadiniin ah oo dalka Jamhuuriyadda Soomaaliya xuquuq simman ku leh, oo ninba meel dagi karo noqoto, qabaa’il ayaan u kala miirannay, qabiil uu dhulkiisa ku filan yahay ma jiro, qabiil kasta waxaa anfacaya Soomaalinnimo, Soomaalinnimo ayuu wax ku helayaa, Soomaalinnimo ayuu sharaf iyo karaamo ku yeelan karaa” ayaa hadaljeedintiisa ka mid aheyd madxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa bahda caddaaladda kula dardaarmay in ay ku dadaalaan sugidda caddaaladda oo ay ka fogaadaan garab-siinta qofka dulmiga wada, isagoo hoosta ka xarriiqay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka go’an tahay tayeynta iyo xoojinta awoodda iyo kartida hay’adaha fulinta caddaaladda.

“Labo Waxyaalood in aan laysku khaldin baan rabnaa, dalka in la federaaleeyo waa mid ku saleysan la isku hayo oo hal dal uu yahy. Midda kale, dalka in la federaaleeyo macnaheeda mahan in qofba Meesha uu rabo uu iska aadi karo oo dalku kala tago, maya taas” ayuu yiri mar uu ka hadlay micnaha federaalka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa tilmaamay in nabadda iyo caddaaladdu ay aas-aas u tahay nolasha iyo dowladdnimada waxa uuna ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay xoojiyaan, codkooda iyo caqligoodana ay ku garab istaagaan xaqiijinta himiladooda ku aaddan Soomaali heshiis ah, dunidana heshiis la ah.