- December 7, 2022
- Posted by: Mohamud Adan Mumin
- Categories: Banaadir, Kulamada, Wararka
No Comments
Waxaa maanta caasimadda Muqdisho lagusoo gabagabeeyey shirweynaha qaran ee barakaca kaas oo socday moddo saddex maalin ah.
Shirkan oo ay kaqeybgaleen mas’uuliyiin ka kala socday dowladda federaalka ah, dowlad goboleedyada iyo beesha caalamka ayaa inta uu socday waxaa looga hadlay arrimaha sababa barakaca sida colaadaha, cimillada, abaaraha iyo fatahaadda iyada oo sidoo kale lagu lafaguray xalka waara ee degdegga ah iyo midka fogba.
Wasiirka arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta mudane Axmed Macallim Fiqi oo furay shirka maalintiisa saddexaad, ee uguna dambeysa ayaa ka hadlay xaaladda barakacayaasha dalka isaga oo intaa raaciyey in xilliyo dhow laga bixi doono duruufahaasi.
“Waxaan rajeynayaa in loo soo jeesto barakacayaasha, oo wax iska badalaan noloshooda, dadka qasabka kusoo barakacay haddii ay u joogeen duruufo ama baaddii kooxda argigixisada, dib u xorreynta kadib xaaladdii waa ay isbadaleysaa bilo kadib” ayuu yiri wasiir Fiqi.
Wasiirka arrimaha gudaha mudane Axmed Macallim waxaa kale uu ka hadlay sida ay tahay in loo mideeyo qorsheyaasha ku aaddan barakacayaasha isaga oo yiri “ Qorshaha la fuilnayo arrimaha barakaca waa inuu noqdaa mid qaran, waayo dadka duruufo isku mid ah ayey u qaxeen, waa in aan wada shaqeyn yeelanno, is qabqabsiga barakac ayuu sababtay, midnimadeennu waa in ay saddex milyan guryahoodii ku celisaa”.
Qaar ka tirsan mas’uuliyiinta ka socotay dowlad goboleedyada ayaa iyaguna sharaxaad ka bixiyey xaaladda barakaca ee deegaanadooda iyaga oo wasaaradda arrimaha gudaha uga mahadceliyey kaalinteeda hormuudnimada ah ee u qaraamidda barakayaasha iyo ka shaqeynta in la helo qaab xasillan, oo ay dib ugu noqon karaan.
Waxaa kale iyaguna shirka warbixinno waxtar leh uga qeyb galay qaar ka tirsan hey’adaha daneeya arrimaha qaxootiga iyo barakacayaasha sida IGAD, IOM iyo UNHCR.
Dhankooda, ka qeybgalayaa shirweynaha qaran ee barakaca qasabka ayaa doodo u galay qaab kooxo ah, taas oo xoogga lagu saaray sida ay u arkaan xalka waara.
Aamina Saciid oo ah guddoomiyaha hey’adda qaxootiga iyo barakayaasha qaranka oo ka hadashay madasha ayaa uga mahadcelisay kasoo qeybgalayaasha sida ay doodaha uga qeyb galeen, iyado oo rajo ka muujisay in duruufaha jira ay isbadali doonaan.
Ugu dambeyntii, waxaa shirka soo xiray agaasimaha guud ee wasaaradda arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta mudane Caydaruus Macallim Xasan Cabdulle isaga oo dhinacyada kala duwan ku ammaanay shaqada la qabtay muddada saddexda maalin aheyd ee uu socday shirweynaha qaran ee barakaca, isaga oo rajeeyey in doodahan ay waddankii wax ku daraan.