Wasiirka oo qaabilay madaxa ATMIS
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha,Federaalka iyo Dib u heshisiinta Mudane Ahmed Moallim Fiqi ayaa qaabilay wafdi uu hogaaminayo Amb. Mohamed El-Amine Souef oo ah Ergeyga Gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika (SRCC) ee Soomaaliya ahna Madaxa ATMIS.
Kulankaan oo ahaa mid isbarasho ah ayuu Wasiirka ka dhageystay Amb. Mohamed El-Amine Souef iyo waftigiisa Warbixino ku saabsan howlaha ATMIS iyo la dagaalanka Al-Shabaab.
Wasiir Axmed Macalin Fiqi ayaa balanqaaday in Wasaaradda Arrimaha Gudaha,Federaalka iyo Dib u heshisiinta ay ka go’an tahay inay si dhow ula shaqeyso.
Xafiiska Ergeyga Gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika (SRCC) ee Soomaaliya ahna Madaxa ATMIS.