𝐤𝐮𝐥𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚𝐭𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐞𝐞 𝐝𝐡𝐚𝐦𝐞𝐲𝐬𝐭𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐛𝐚𝐚𝐡𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐡𝐚𝐧𝐧𝐚𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚𝐝𝐞𝐞𝐝 𝐝𝐨𝐰𝐥𝐚𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐡𝐨𝐨𝐬𝐞

𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐮 𝐝𝐨𝐰𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐰𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐚𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐠𝐮𝐝𝐚𝐡𝐚, 𝐟𝐞𝐝𝐞𝐫𝐚𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐝𝐢𝐛 𝐮 𝐡𝐞𝐬𝐡𝐢𝐬𝐢𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐗𝐅𝐒 𝐌𝐮𝐝𝐚𝐧𝐞 𝐈𝐥𝐲𝐚𝐬 𝐀𝐥𝐢 𝐇𝐚𝐬𝐬𝐚𝐧 𝐚𝐲𝐚𝐚 𝐠𝐨𝐨𝐫𝐝𝐡𝐨𝐰 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐚𝐲 𝐤𝐮𝐥𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚𝐭𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐞𝐞 𝐝𝐡𝐚𝐦𝐞𝐲𝐬𝐭𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐛𝐚𝐚𝐡𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐡𝐚𝐧𝐧𝐚𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚𝐝𝐞𝐞𝐝 𝐝𝐨𝐰𝐥𝐚𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐡𝐨𝐨𝐬𝐞.

“Kulankeenna waxaa uu ku saabsan yahay kulan wadatashi ee dhameystirka baahinta hannaanka maaliyadda dowladaha hoose, maalamaha soo socda waxaa si fiican u faahfaahin doonnaa suurtagalnimada daadejinta hannaanka maaliyadeed ee dowladaha hoose, waxaan soo dhoweynayaa kaqeybgalayaasha”, Agaasimaha guud ee wasaaradda arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta mudane Caydaruus Macallim Xasan.

“Kulan wadatashi ee dhameystirka baahinta hannaanka maaliyadda dowladaha hoose waa kulan muhiim ah, ka UN ahaan waan soo dhoweyneynaa, arrinta dhameystirka baahinta hannaanka maaliyadeed ee dowladaha hoose waxaa ay mihiim u tahay dowladnimada, in adeegga la daadejiyo oo golaha deegaankana la awoodsiiyo waa arrin wax ku ool ah”, Madaxa Hay’adda UNCDF ee Soomaaliya Dr. Mkhulili Ncube.
 
Waxaan kulankan inta uu socdo uga doodi doonnaa arrimaha canshuur qeybigsa labada heer ee dowladda, yaa qaadaya canshuurta, qarash bixinta, siyaasadaha iyo arrimo kale.
 
“Run ahaan, kulanka wadatashiga ee dhameystirka baahinta hannaanka maaliyadda dowladaha hoose waa mid muhiim ah, dowladda hoose waa salka dowladnimada, waa in dadka adeegga loogu geeyo meelaha ay joogaan, waana in laga wada hadlo hannaanka maaliyadeed ee dowladaha hoose, waan soo dhoweynayaa kulankan, waxaa rajeynayaa in ay kasoo baxaan arrimo dhaxal u ah umadda Soomaaliyeed”, Duqa magaalada Kismaayo Cumar Cabdullahi Maxamed.
 
“Shirkan waxaa muhiim u leeyahaya Soomaaliya iyo guud ahaan dowladaha hoose, dowladaha hoose waa meelaha uu dalka ka hagaago ama uu ka dummo, mar kasta oo dowlaha hoose loo dhoweeyo dalka ayaa hagaagaya, marka kasta oo laga fogeeya wax ayaa xumaanaya, waxaan soo dhoweynayaa kulanka wadatashi ee dhameystirka baahinta hannaanka maaliyadda dowladaha hoose”, Duqa magaalada Dhuusamareeb Cabdiraxmaan Cali Maxamed.
 
Nuxurka Hadaljeedinta Wasiiru dowadaha wasaaradda arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta mudane Ilyas Ali Hassan ee “Kulan wadatashi ee dhameystirka baahinta hannaanka maaliyadda dowladaha hoose”.
Wasiiru dowadaha wasaaradda arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta mudane Ilyaas Cali Xasan oo ka hadlay kulanka wadatashiga ee dhameystirka baahinta hannaanka maaliyadda dowladaha hoose ayaa ka hadlay istaraatiijiyadda baahinta hannaanka maaliyadeed ee dowlaha hoose, iyada oo ku lug leh qaybinta awoodaha maaliyadeed iyo kheyraadka ee heerarka kala duwan ee dowladda.
Khudbadda Wasiir Ilyaas waxaa ka mid ahaa;
  • Wasaaraddu waxay dhowaan diyaarisay Siyaasadda Qaran ee Maamul Baahinta waxayna hadda wadaa inay diyaariso Istaraatiijiyadda Baahinta Hannaanka Maaliyadda ee Dowladaha Hoose, middaasoo wax badan ka taraysa kobcinta xirfadda aqooneed iyo dhaqaale ee Degmooyinka dhismaaya iyo kuwa dhismay ee Dowlad Goboleedyada iyo Maamulka Gobolka Banaadir.
  • Waxay kaloo muhiim u tahay istaraatiijiyaddaani oo ku lug leedahay qaybinta awoodaha maaliyadeed iyo kheyraadka ee heerarka kala duwan ee dawladda.
  • Istaraatiijiyadani waxay qeexi doontaa habraaca lagu socod siin doono hannaanka baahinta maamulka maaliyadda.
Ujeedka ugu waaweyn ee Baahinta Maaliyadda waa;
 
  • Si kor loogu qaado cashuur ururinta, dawladaha hoose ama maamulada hoose waa in ay yeeshaan madax-banaani ay ku ururiyaan cashuuraha heer deegaan waana in ay awood u yeeshaan in ay kharash badan ku bixiyaan bixinta adeegyada guud ee bulshada,
  •  Horumarinta iyo dib-u-habeynta baahinta maaliyadeed ee dowladaha hoose.

Waxaan rajaynayaa inuu kulanku noqdo mid mira dhal ah, wax badan oo Dalkeena iyo Dadkeena dan u ahna aad is-waydaarsan doontaan, istaraatiijiyaddaanina ay noqoto mid ku salaysan baahideenna waafaqsanna marxaladeheenna dhaqan-dhaqaale, dabuushana baahiyaha taagan ee dhanka hannaanka Maaliyadda Dowladaha Hooose ah.

 

Daawo: Khudbadda Wasiir Dowlaha ee “Kulan wadatashi ee dhameystirka baahinta hannaanka maaliyadda dowladaha hoose”. https://fb.watch/hU-_16f5o-/