Agaasimaha guud ee wasaaradda arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta oo shir gudoomiyay kulankii isuuclaha ahaa ee dardargelinta xasillinta.
Agaasimaha guud ee wasaaradda arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta ENG. Caydaruus Mocalim Xasan ayaa maanta shir guddoomiyey kulanka isbuuclaha ah oo ku saabsanaa farsamada dardargelinta dadaallada xasillinta.
Kulanka ay sidoo kale waxaa qeyb ka ahaa xafiiska ra’isul wasaaraha, wasaaradaha amniga, gaashaanshigga , Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada, Tamarta iyo Biyaha, taliska ciidanka xoogga dalka iyo hey’adda maareynta masiibooyinka qaranka ayaa waxaa diiradda lagu saaray sidii ha’yadaha dowladdu ay hab isku mid ah uga jawaabi lahaayeen baahiyaha kajira deegaannada ay ka socdaan howlgallada dib u xorreynta Dalka.
Wasaarada Arrimaha Gudaha , Federaalka iyo dib u heshisiinta waxaa hormuud ka tahay isku dubaridda hawlaha dadaalada xasillinta ee ka socda dalka gaar ahaan goobaha laga xoreynayo cadowga argigixisada Shabaab.