Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS Mudane Ahmed Moallim Fiqi ayaa maanta la kulmay danjiraha Dowlada UK u fadhiya Soomaaliya Mrs. Kate Foster.
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federaalka iyo Dib u heshiisiinta Mudane Ahmed Mo’allim Fiqi iyo Danjiraha Dowladda UK u fadhiya Soomaliya Mrs. Kate Foster ayaa ka wada hadlay iskaashiga xasilinta Amniga deegaanada laga xureeya kooxaha Argagixisada iyo wax ka qabashada abaaraha dalka.
Dalka Ingiriiska waxaa uu ka mid yahay dalka Soomaaliya teegeera.
Wasiir Ahmed Mo’allim Fiqi iyo safiir Kate Foster ayaa isla soo qaaday arrimaha hortabinta leh.