Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta Mudane Ahmed Moalim Fiqi oo ay wehlinaayaan Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Mudane Ilyaas Ali Hasan iyo Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Mudane Abdixakiim Hassan Ashkir ayaa xarunta Wasaaradda ku qaabilay Maareeyaha Barnaamijka PMU/JPLG Paul Simkin.
“Marka dawladaha hoose awood yeeshaan oo ay shaqeeyaan, nolosha muwaadiniinta ayaa isbedelaysa”, Maareeyaha Barnaamijka PMU/JPLG Paul Simkin.
Wasiirka ayaa ka dhageystay Maareeyaha Barnaamijka PMU/JPLG Mr, Paul Simkin dulmarka guud oo ku saabsan barnaamijka JPLG iyo waxyaabihii u qabsoomay afar iyo tobankii sano ee la soo dhaafay.
Wasiir Axmed Macalin Fiqi ayaa sheegay ka wasaarad ahaan in ay ka go’an tahay in uu si dhow ula shaqeyaan hay’adaha UN-JPLG, wuxuuna Paul Simkin iyo kooxdiiaa ku casuumay kulamo kale oo dhici doona maalmaha soo socda.