Guddiga Madaxa Bannaan Ee Doorashooyinka Qaranka

Guddiga Madaxa banaan ee Doorashooyinka Qaranka waa guddi qaran oo dastuuri ah waxaa uu mas’uul ka yahay maamulidda doorashooyinka madaxweynaha, doorashooyinka federaalka, Inay si joogta ah u diiwaan geliyaan cod-bixiyayaasha dib-u-eegisna ku sameeyaan xaashiyaha cod-bixiyayaasha, Inay diiwaan geliyaan murashaxiinta doorashooyinka, in ay xadidaan degaanada cod-bixineed, xisbiyada, xallinta khilaafaadyada iyo arrimo kale.