- December 22, 2022
- Posted by: Mohamed Maax
- Categories: Kulamada, Wararka
No Comments
Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta Mudane Ahmed Mo’alim Fiqi oo safar ku maraya jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Pakistan ayaa isaga iyo wafdigiisu waxaa ay booqasho ku tageen Machadka Pakistan ee Adeegyada Baarlamaanka.
Machadkan oo bixiya cilmi baaris iyo tababarada xildhibaannada ayaa inta ay booqashadu socotay Mud. Axmed Fiqi mas’uuliyiinta uu la kulmay waxaa ka mid ahaa agaasimaha Machadka Maxamed Anwar.
Wafdiga uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Gudaha mudane Ahmed Moallim Fiqi oo ay qeyb ka yihiin Wasaaradda Cadaaladda iyo Dastuurka, Wasiirrada Arrimaha Gudaha ee dowlad goboleedyada Soomaaliya iyo hay’adda diiwaangelinta iyo aqoonsiga dadweynaha ayaa todobaadka ay joogaan Pakistan waxaa ay mas’uuliyiinta dalkaasi kala hadlayaan dowla dhiska, federaalka, dastuurka, maamul daadejinta, diiwaangelinta dadweynaha iyo arrimo kale.