- December 31, 2022
- Posted by: Abdiaziz Gurbiye
- Categories: Somaliland, War Saxaafadeed, Wararka
No Comments
Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta ee XFS waxaa ka xun tahay dhibaatooyonka iyo dhiiga dadka shacabka ah ee daadanaya, waxayna tacsi u direysaa ehelada dadka biri-ma-geydada ah ee ku geeriyootay banaan-baxyada ka dhacaya magaalada Laascaanood.
Waxaa ay sidoo kale wasaaraddu iyada oo ka duuleysa mudnaanta dowladda federaalka ah ee dhab u heshiisiinta, xasilloonida, nabadda, adkeynta walaalnimada iyo wada-noolashaha dadka Soomaaliyeed ay ku baaqeysaa joojinta colaadda iyo in maamulka Somaliland xal nabadood ku wajaho xaaladda Laascaanood ayadoo la ilaalinayo xuquuqda dastuuriga ah ee dadku u leeyihiin in ay ra’yigooda ku cabbiraan si nabdoon.