Wasiirka Arrimaha Gudaha oo Goobjoog ka ahaa Caleemosaarka Guddoonka Degmada Dhuusamareeb

Wasiirka arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta mudane Axmed Macallim Fiqi iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ku sugan Dhuusamareeb ee Galmudug ayaa caawa goobjoog ka ah xaflad si heer sare loosoo agaasimmay oo lagu caleemosaaray guddoomiyaha degmada Dhuusamareeb ee caasimadda dowlad goboleedka Galmudug mudane Cabdiraxmaan Cali Maxamed Geedaqorow iyo golaha deegaanka magaaladaasi.

 

Wasiir Fiqi oo beryahan ku sugnaa Magaalada Dhuusamareeb ayaa kahor munaasabadda caleemosaarka waxaa uu xog wareysi la yeeshay mas’uuliyiin ka tiraan Galmudug iyo qeybaha bulshada isaga oo kala hadlay guud ahaan xaaladda dalka iyo midda gobolka.

Munaasabadda waxaa ku sugan mas’uuliyiin heer sare oo matalaya labada heer ee dowladda sida wasiirka arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta mudane Axmed Macallim Fiqi, madaxweynaha dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug mudane Axmed Kaariye Qoorqoor iyo marti ka kala socota dhammaan heerarka dowladda.

 

November 6, 2022 ayey ahayd markii wasiirka arrimaha gudahq, federaalka iyo dib u heshiisiinta mudane Axmed Macallim Fiqi uu xaflad caleemosaar guddoomiye degmo iyo gole deegaan oo tan oo kale ah uga qeyb galay degmada Xudur oo ah xarunta gobolka Bakool ee maamulka Koonfur Galbeed.

 

Wasaaradda arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta waxaa ay har iyo habeen dadaal ku bixinaysaa federaaleynta, baahinta maamulka iyo in shacabka Soomaaliyeed loo dhoweeyo talada, go’aan gaarista iyo adeegyada kala duwan ee bulshada.