- January 4, 2023
- Posted by: Mohamed Maax
- Categories: Banaadir, Wararka
No Comments
Hey’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliyeed iyo xarunteeda Gurmadka Degdegga ah ayaa ku sugan magaalada Maxaas ee gobolka Hiiraan iyaga oo wada howlgal la xiriira naf badbaadin iyo daad gureynta muwaadiniinta ku waxyeelowday weerarkii Khawaarijta ee ka dhacay degmadaasi.
Hey’addan oo ka mid ah hey’adaha ka farcama Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta ayaa u xilsaaran howlaha gurmadka iyo gargaarka.
Khawaarijta ayaa weerar fulaynimo ah ka fuliyey gudaha degmada Maxaas iyaga oo dad rayid ah ku bart ilmaameedsaday, kuna xasuuqay.