- December 31, 2022
- Posted by: Mohamed Maax
- Categories: Banaadir, Wararka
No Comments
Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta ayaa maanta u gudbisay Raโiisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Hamza Cabdi Barre ballanqaadka qorshe-howleedka sanadka cusub ee 2023.
Qorshaha gudbintiisa waxaa sameeyey Wasiir ku-xigeenka arrimaha gudaha, federaalka iyo dib-u-heshiisiinta ahna ku-simaha Wasiirka, Mudane Cabdixakiim Xasan Ashkir iyada oo sidoo kale uu ku wehliyey agaasimaha guud ee Wasaaradda mudane Caydaruus Macallim Xasan Cabdulle.
Raโiisul Wasaare Xamse ayaa ka dhageystay, isla markaana suโaalo muhiim ah ka weydiiyay masuuliyiinta wasaaradaha qorshooyinka hawleed iyo ballanqaadyada waxqabad ee ay soo bandhigeen kuwaas oo la doonayo in la fuliyo sanadka cusub ee 2023, iyada oo lagu saleynayo siyaasadda iyo barnaamijka xukuumadda #DanQaran.
Raโiisul Wasaaruhu waxuu kula dardaarmay wasaaradda in la xoojiyo wadashaqaynta ka dhaxeysa heyโadaha kale ee dowladda, Isla-xisaabtanka iyo daahfurnaanta, si guulo wax ku ool ah looga gaaro arrimaha hortabinta u leh Xukuumadda.