- December 26, 2022
- Posted by: Mohamed Maax
- Categories: Hirshabelle, Wararka
No Comments
๐๐ด๐ฎ๐ฎ๐๐ถ๐บ๐ฎ๐ต๐ฎ ๐๐๐๐ฑ ๐ฒ๐ฒ ๐ช๐ฎ๐๐ฎ๐ฎ๐ฟ๐ฎ๐ฑ๐ฑ๐ฎ ๐๐ฟ๐ฟ๐ถ๐บ๐ฎ๐ต๐ฎ ๐๐๐ฑ๐ฎ๐ต๐ฎ, ๐๐ฒ๐ฑ๐ฒ๐ฟ๐ฎ๐ฎ๐น๐ธ๐ฎ ๐ถ๐๐ผ ๐๐ถ๐ฏ ๐ ๐๐ฒ๐๐ต๐ถ๐ถ๐๐ถ๐ถ๐ป๐๐ฎ ๐บ๐๐ฑ๐ฎ๐ป๐ฒ ๐๐ฎ๐๐ฑ๐ฎ๐ฟ๐๐๐ ๐ ๐ฎ๐ฐ๐ฎ๐น๐น๐ถ๐บ ๐ซ๐ฎ๐๐ฎ๐ป ๐๐ฎ๐ฏ๐ฑ๐๐น๐น๐ฒ iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray degmada dhowaan laga saaray Khawaarijta ee Aadan Yabaal, Shabeellada dhexe ee dowlad goboleedka Hirshabelle.
Socdaalkan oo la xiriiray u kuurgalidda howlaha hortabinta u leh xasillinta degmada iyo goobaha ku dhow ayaa waxaa qeyb ka ahaa heyโadaha caalamiga ah ee Soomaaliya ka taageera arrimaha xasillinta iyada oo sidoo kale ay goobjoog ka ahaayeen Guddoomiyaha Shabeellada dhexe mudane Axmed Mayre, guddoomiyaha Degmada Aadan Yabaal mudane Maxamuud Sheekh Xasan iyo masโuulin kale oo deegaanka ah.
Si baahiyaha jira iyo arrimaha hortabinta leh u leh degmada Aadan Yabaal iyo deegaannada u dhow wax looga ogaado, wafdiga ayaa kulammo la qaatay qeybaha kala duwan ee bulshada rayidka sida odeyaasha, haweenka iyo dhalinyarada, iyaga oo kormeer ku tagay xarummo dowladeed, ceelal, goobo waxbarasho iyo caafimaad ay burburiyeen Khawaarijta, kuwaas oo u baahan dayactir iyo howlgelin.
Safarkan ayaa imaanaya todobaad kadib markii ay degmadaasi booqasho ku tageen Raโisul Wasaare Xamze Barre iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta mudane Axmed Macallin Fiqi.