- December 20, 2022
- Posted by: Mohamed Maax
- Categories: Banaadir, Wararka
No Comments
Wasiirka Wasaarradda Arrimaha Gudaha Federaalka iyo Dib-u-heshiinta XFS oo Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ugu hambalyeeyey sannad Guuradii 79-AAD Ee kaso wareegatay Aas aaskii Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.
Wasiirka Wasaarrada Arrimaha Gudaha Federalka iyo dib-u- heshiisiinta Mudane Ahmed Moallim Fiqi ayaa ugu hambalyeeyey Sarreeyeyaasha, Saraakiisha, Saraakiil-xigeennada, Aliflayda, Dableyda iyo dhammaan qeybaha kala duwan ee Ciidanka Booliska iyo qoysaskooda 79-guurada kasoo wareegtay aas aaskii Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.
Wasiirka ayaa ku ammaanay kuna bogaadiyey Saraakiisha iyo guud ahaan Ciidanka Booliska Soomaaliyeed sida ay naftooda ugu huraan xaqiijinta amniga iyo xasilinta Dalka, si ay muwaadiniinta soomaliyeed Nabad ugu noolaadaan Dalkooda.