- December 17, 2022
- Posted by: Mohamed Maax
- Categories: Hirshabelle, Wararka
No Comments
Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta mudane Axmed Macallim Fiqi, waxaa socdaalkiisa uu todobaadkan ku tagay dagmada 15 sano kadib laga xoreeyay Khawaarijta ee Aadan Yabaal, kula kulmay muwaadinka Yabarow Cabdi Xasan, oo ku sugnaa gurigii Khawaarijka dilaaga ah ee Kabakutukade.
Yabarow ayaa Wasiir Axmed Fiqi uga sheekeeyey dhibaatooyinkii isaga iyo bulshada deegaankaasi ay kala kulmeen Khawaarijta, waxaa uuna sharaxay amarradooda guracana ee ahaa:
“Wiilkaaga noosoo gacan geli, soona raaci qorigii uu adeegsan lahaa xilliga dagaalka, hana iloobin cunnada uu cuni lahaa, haddii uu dhaawacmo waa mid adiga kuu taallo, haddii uu dhintana waan kusoo wici doonnaa, si aan kuugu sheegno geeridiisa”.
“Natiijada ka dhalatay waxaa ay noqotay, in deegaannaasi ay noqaan lama degaan, cidlo ah, dadkuna ay la baxsadaan bedqabka caruurtooda, ayna aadaan goobo ay caruurtooda ku nabad galayaan, oo ay u qaxaan Muqdisho iyo meelo kale” Waxaa sidaasi yiri Yabarow oo sheekaddii sii waday.
Ugu dambeyntii, Yabarow Cabdii Xasan waxaa uu qisada xanuunka badan ee uu la wadaagay Wasiirka Arrimaha Gudaha Mudane Axmed Macallim Fiqi kusoo gabogabeeyay “ Hadda, dadku waxaa ay heleen dareen cusub iyo rajo dowladnimo, oo dartood ujoogta deegaankan, isla markaana diyaar u ah in bulshada u qabato adeegyo kala duwan”.