- December 10, 2022
- Posted by: Mohamed Maax
- Categories: Banaadir, Kulamada, Wararka
No Comments
Kulan Dib u eegista Hannaanka dhab-u-heshiisiinta Qaran oo saddex maalin socon doona ayey maanta Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta ku daahfurtay caasimadda Muqdisho.
Kulanka oo heer sare ahaa, goobjoobna ay ka ahaayeen dowladda federaalka, dowlad goboleedyada iyo qeybaha bulshada sida odeyaasha, haweenka iyo dhalinyarada ayaa waxaa furay Wasiirka arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta Mudane Axmed Macallim Fiqi isaga oo sharaxay ahmiyadda kulan iyo wax laga filan karo.
Wasiirka arrimaha gudaha, oo ugu horreyn ka hadlay sababta kulanka ayaa waxaa uu yiri “ Shirkan waa mid dib u eegis lagu sameeyo hanaanka dhab u heshiisiinta, waa in uu noqdo manhaj loo raaco dib u heshiisiinta” isaga oo intaa raaciyey “Dagaalladii dhacay iyo dhibaatooyinka ay geyteen dowladda iyo kuwa dadka dhexdooda weli lagama garaabin, waxaa rajeynayaa inuu hannaankan keena dawo iyo kalsooni”.
Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta Mudane Axmed Macallim Fiqi ayaa sheegay in dhalinyada ay hormuud ka yihiin nabadda, waxaa uuna ammaanay kaalintoodii nabadda Galkacyo isaga oo yiri “ Dhibaatada dadka ay gaartay waxaa ka mid ah dhalinyarada, shirkan waxaan ugu talogalnay in dhalinyarada ay hormuud u noqoto nabadda, waana u badinnay shirka si ay u hoggaamiyaan”.
Waxaa uuna khudbaddiisa kusoo gabagabeeyey gabay uu tiriyey abwaan Gaariye kaas oo ah:
Gun baa haan laga unkaa,
Duq baa geel loo tuba,
Gow baan ka aqaan durbaan,
waxaa geed lala kacaa,
gankaa tahay erey la da’ah,
gafkana bashar baad u tee,
hadada ka garoowdo qalad,
gob bay cadadeeda tahay.
Mudane Caydaruus Macallim, agaasimaha guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Fderaalka iyo Dib u Heshiisiinta oo isna kulanka ka hadlay ayaa sheegay in wasaaraddiisu ay diyaar u tahay in ay wax ku eegto indhaha bulshada, waxaa uu yiri “Hannaanka dhab u heshiisiinta , wasaaradda arrimaha gudaha waxaa ay diyaar u tahay in ay ku eegto indhaha bulshada, wasaaradaha ku shaqada leh iyo dhaqanka sida u arkaan dhab u heshiisiin iyo xalkaba, waxaan rajeynayaa in halkan kasoo baxdo”
Xildhibaan Maxamuud Aadan Geesood oo ah xogheyaha guddiga dib u heshiisiinta golaha shacabka oo ka mid ahaa mas’uuliyiinka kulanka ka hadashay ayaa waxaa uu yiri “Ka baarlamaan ahaan waa soo dhoweyneynaa kulanka dib u eegista dhab u heshiisiinta qaran, mas’uuliyad ayaa naga saaran dib u heshiisiinta, waxaan u mahadcelinayaa wasaaradda, waana kala shaqeyneynaa, waa arrin dhiirigelin mudan, oo loo baahan yahay in wax laga qabto, wixii dhacay waa dhaceen waa in laga gudbo, oo gacmaha la is qabsado”
Sheekh Bashiir Axmed Salaad, guddoomiyaha hey’adda culimada Soomaaliyeed oo ka hadlay kulanka dib u eegista hannaanka dhab-u-heshiisiinta qaran ayaa waxaa uu uu yiri “ Dhab u heshiisiinta waa muhiim, wasaaradda arrimaha gudaha tallaabo fiican in ay qaaddo ayaan rajeynayaa, oo kalsooni la’aanta meesha laga saaro, oo dadku isku kalsoonaadaan, oo kuwii qaladka galay ay ka garaabaan, taas waa meesha ay ka bilaabato musaalaxadu”.
“Maalmaha aan isla joogto ee uu socdo shirka dib u eegista hannaanka dhab u heshiisiinta qaran, ka dowlad goboleedyo ahaan, waxaan rajeynayaa inaan wax ku darsanno, hannaankii dib u heshiisiinta ee hore deegaannada cusub ee la xoreeyey ayaa keenay in dib u eegis lagu sameeyo, waxaan rajeynayaa in halkan kasoo bixi doono hannaan dhab u heshiisiin” sidaasi waxaa isna yiri agaasimaha guud ee wasaaaradda Arrimaha Gudaha ee Galmudug Cumar Cabdi Maxamed oo ka hadlay shirka dib u eegista Dhab u Heshiisiinta Qaran:
Mustaf Sheekh Cabdullahi, agaasimaha guud ee wasaaradda arrimaha gudaha ee Koonfur Galbeed waxaa kulanka ka yiri“Wax badan ayaa kasoo barannay cabsharadii hore ee dib u heshiisiinta, waa in ay taasina ka muuqataa hannaanka aad dib u eegista ku sameyneyno, waayo waa in wax laga barto caqabadihii hore”.
Kulanka dib u heshiisiinta hanaanka dhab u heshiisiinta qaran maalintiisa koowaad, waxaa bandhig ku saabsan qaabka ay u arkaan dhab u heshiisiinta kasoo jeediyey wasaaradda arrimaha gudaha federaalka ah, wasaaradda dhalinyrada federaalka ah, maamul goboleedyada Jubbaland iyo Koonfur galbeed, golaha shacabka iyo qaar kale.
Arrimaha ugu muhiimsanaa ee laga hadlay waxaa ka mid ahaa kaalinta maamullada ee dhab u heshiisiinta, doorka culimada, dhaqanka, haweenka, dhalinyarada iyo qeybaha bulshada, diyaariyeen qorshe mid ah, ka garaabid, dhab u heshiisiin, is cafin, uur xaarasho doorashada kadib, olole bogsiin ah, isdhexgalka dhalinyarada iyo xoojinta boogadhayista bulshada.