SHirweynaha ka doodista barakaca qasabka ah

Ugu horreyn, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, mudane Hamza Abdi Barre oo furay shirkan looga hadlayo xal u helidda barakaca, ayaa caddeeyay inay muhiim tahay in wax laga qabto sababaha keena barakaca oo ay ugu horreeyaan colaadaha iyo is-beddelka cimilada.
Mudane Xamse ayaa yiri “Waxaa muhiim ah inay istaagaan sababaha ay dadku u barcayaan annagoo taa ka duuleynaya xukuumaddu waxay qaadatay inay khawaarijta la gasho dagaal bini’aadninimo oo lagu badbaadinayo nafta, maalka iyo sharafta ummadda Somaaliyeed”.
“ Ku dhawaad saddex milyan oo Soomaali ah lagu qasbay inay uga qaxaan guryahooda iyo deegaannadooda sababo ay ka mid yihiin Abaaro iyo Amni-xumo., runtii tani waa xaqiiqo murugo leh oo ay tahay in aan ummad ahaan wax ka qabano”ayuu yiri ra’iisal wasaaruhu.
Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta Mudane Axmed Macallim Fiqi oo shirka ka hadlay ayaa dhankiisa qeexay qorsheyaasha wasaaradda uga yaalla wax ka qabashada barakaca gudaha “ Wasaaraddu waxay waddaa hawlo muhiim ah oo ay kamid yihiin barnaamijka xasilinta iyo diwaan-gelinta madaniga iyo istaatistikada muhiimka ah taas oo caawinaysa in la helo xog dhammaystiran ee muwaadinka dalka”
Wasaaraddu waxa ay dhawaan Golaha Xukuumadda Horgeyn doonta oo ay Wadaa Sharuuc iyo siyaasadda muhiim u ah Qaxotiga iyo Barakayaasha oo kala ah:
1. Hindise Sharciyeedka Qoxootiga
2. Sharciga Barakaca
3. Siyaasadda Wadajirka Bulshada (Social Cohesion Policy).
• Dib-u-heshiisiinta dalka taasoo ah mid bulsho iyo mid siyaasadeed ba gacanna ka gaysan doonta hawlaha dib-u-dejinta, isdhexgalka iyo wada-noolaanshaha barakacayaasha iyo bulshada ay la nool yihiin (IDPs and Hosting Community).
Waxa geestooda shirka kelmedo kooban ka jeediyay Wasiirka Caafimaadka JFS Mudane Cali Xaaji, Wasiir ku xigeennada Waxbarashada’Tamarta iyo Is-beddelka Cimilada, Guddoomiye ku xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Banaadir, Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga Qaranka & Barakacayaasha, Culimada iyo isimada Soomaaliyeed iyo xubno ka socday beesha caalamka.
Shirkan oo socon doona muddo saddex maalmood ah ayaa lagaga arrinsanayaa wax ka qabashada barakaca khasabka ah ee ay sababaan colaadaha iyo is-beddelka cimilada.