Kulanka wadatashiga dib u eegista istaraatiijiyadda qaran ee xasillinta

Kulanka wadatashiga dib u eegista istaraatiijiyadda qaran ee xasillinta oo maanta lagu qabtay Magaalada Muqdisho.
Wasiirka arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta mudane Axmed Macallim Fiqi ayaa maanta waxaa uu daahfuray kulan wadatashi ah oo ay soo qabanqaabisay wasaaradda arrimaha gudaha, kaas oo looga hadlayo dib u eegista istaraatiijiyadda qaran ee xasillinta.
Madashan, waxaa wasaaradda arrimaha gudaha kala qeyb galaya wasiiradda Cadaaladda, Gaashaandhiga, Warfaafinta , Korontada iyo biyaha, Caafimaadka ,Diinta iyo awqaafta, Hay’adda maareynta masiibooyinka, Maamulka gobolka Banaadir iyo xubno ka socda hey’addo kala duwan ee dowladdo iyo bulshada rayidka.
Wasiirka arrimaha gudaha mudane Axmed Macallim Fiqi ayaa ku dheeraaday arrimaha xasillint, qorshaha istaraatiijiyadda iyo dib u eegisteeda isaga oo yiri Kulankan, waxa uu ku soo aaday waqti xasaasi ah oo ay dowladda iyo dadweynaha Soomaaliyeedba ku howlan yihiin sidii la’isaga xoreyn lahaa heeryada khawaarijta Shabaab kuwaas oo caqabad ku ah dib u soo kabashada iyo geeddi socodka dowladnimada ummadda Soomaliyeed. Geeddi-socodka nabadda iyo dib-u-soo-kabashada dowladnimada dalkeenna waa mid nugul oo aan wali sidii la rabay u hanaqaadin una baahan waqti si loo xaqiijiyo himilada muwaadinka Soomaaliyeed si dowladduna u hanato kalsoonida dadkeeda. Waxaa muuqata in hadii aan loo helin xal lagana adkaan argagaxisada Al-shabaab ay adkaan doonto in dadweynaha Soomaaliyeed laga samata bixiyo dhibaatada ku raagtay iyo abaaraha dalka ka jira, sidoo kalana laga shaqeeyo horumar macno leh dalkana la gaarsiiyo dowladnimo loo dhan yahay oo ay dadka Soomaaliyeed ku naaloodaan, wax u tarta, la tacaasha daruufaha iyo caqabadaha haysta bulshada meel kasta oo ay ku sugan yihiin”.
Istaraatiijiyada Xasilinta waa ‘dukumeenti nool (living document) oo la falgalaya qorshayaasha qaran ee nabadaynta iyo hawlaha dawlad-dhisidda, gaar ahaan maaraynta khataraha ku wajahan bulshada Soomaaliyeed ee sababi kara xasilooni darro dhaawici karta jiritaankaeena iyo masiirkeenna ummadeed”, Wasiir Ahmed Mo’allim Fiqi, Wasiirka Arrimaha Gudaha Federaalka Iyo Dib u heshiisiinta XFS.
Wasiir Ahmed Fiqi oo sii hadlaya waxaa uu yiri, “Xasilintu waa taageeridda iyo dhidibbo u aasidda maamul dowladeed oo mug iyo macno leh sharcina ku dhisan si meesha looga saaro kooxaha argagaxisadaa iyo kuwa qaswadayaasha ah. Taas oo suurto gal ka dhigaysa in la abuuro jawi iyo deegaan ammaan ah oo xasiloon dadkuna si nabdoon ugu noolaadaan kuna xallistaan khilaafkooda wadahadal iyo wadar-ogol, una gogol xaareysa horumar bulsho iyo mid dhaqaale oo ka hanaqaada deegaannaddaas. Hanaanka dib u eegista istiraatiijiyaddu waa mid daah-furan oo dhamaan ha’yadaha dowladda ay quseyso, ha ahaadaan heer federaal amaba heer dowlad goboleed, si dhow loogala tashanayo. Waxaa laga talogaliyey istiraatiijiyada ilaa iyo hadda dowlad goboleedyada, iyo farsamo yaqaannada ka kala socda wasaaradaha bahwadaagta ku ah dadaallada xasilinta oo ay ugu horreeyaan wasaaradaha halkaan ku kulansan maanta”.
Mudane Ahmed Mo’allim Fiqi, waxaa uu soo qaatay arrimaha uu ka kooban yahay istaraatiijiyadda isaga oo yiri “Istiraatiijiyaddu waxa ay xooga saaraysaa afar arrimood oo is kaabaya isla markaasna isku xiran oo dhamaan wasaaradaha halkaan jooga laga rabo in ay si isku mid ah uga wada shaqeeyaan. Arrimahaas oo kala ah:
  1. Soo kabashada Bulshada
  2. Dib-u-heshisiiin Bulsho
  3. Dhisidda Maamullada Dowladaha Hoose
  4. Baahinta adeegyada cadaaladda iyo Adkeynta Sarraynta Sharciga, amniga iyo kala dambeynta.

Waxaa kale oo ay istiraatiijiyadu iftiiminaysaa ahmiyada ay leedahay iskuxirka iyo nidaaminta dadaalada xasilinta si looga feejignaado is barbar yaac kaas oo hoos u dhigi kara ka guul gaaridda dadaalada xasilinta dalka. Si arrintaas looga hortago istraatiijiyaddu waxa ay bidhaaminaysaa heerarka kala gaddisan ee isku xirka hawlaha xasilinta oo ah mid heer federaal oo ay garwadeen ka tahay Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka iyo mid heer dowlad goboleed ah. Sidoo kale waxa ay istiraatiijiyaddu hoosta ka xariiqaysaa lahaansha iyo hoggaanka dowladda federaalka dhamaan dadaalada xasilinta si dowladdu ay u buuxiso kaalinteedii dowladnimo dadkana ugu adeegto si siman oo ay cadaaladi ku dhisan tahay”.

 
“Dalkan cadow ayaa heystay oo hadda laga xoreynayo, marka laga xoreeyo, shaqada ku xigta waa barnaamijka xasillinta, marka waa in ay isla socdaan. Qorshaha istaraatiijiyad qaran waa uu noo degsan yahay, oo waxaa noo haray qorshihii fulinta, waana soo dhoweynayaa. Hoggaanka dalka ee madaxweynaha iyo ra’isul wasaaraha, ahmiyadda ugu muhiimsan waxaa ay siiyeen, in dalka la xoreeyo, kadib xasilinta la hirgeliyo, oo dadka loo geeyo adeegyada ay u baahnaayeen, oo dowladnimada ay gaarto”, Wasiirka Cadaaladda iyo Dastuurka Mudane Xasan Macallim.
“ Dalkani waxaa ku jiraa dagaal dib u xoreyn, wixii lasoo bilaabay meel fiican ayey marayaan, waana ka shaqeyneynaa hirgelinteeda, ra’isul wasaataare Xamze Barre waa ku mahadsan yahay magacaabista wasiir Fiqi, meeshaas booska iyo sakhsi ku haboon ayaa isku aaday, mudane Fiqi wax uu yaqaan ayuu ka shaqeynayaa”, Wasiirka haweenka iyo horumarinta xuquuqda aadanaha marwo Khadiijo Diiriye.
“ Barnaamijkan istaraatiijiyadda xasillinta waxaa uu kusoo aaday waqti xasaasi ah iyo waqtigii loo baahnaa, waxaa loo dejiyey qaab hoos ilaa meesha ugu sareysa ah, waxaa uuna ku saabsan yahay in dadka helaan adeegga ay u baahan yihiin. Ka wasaarad ahaan, waxaa ay qeyb ka tahay arrimaha aan bulshada gaarsiin doonno oo ah daahfurka barnaamijka ay wasaaradda arrimaha gudaha hormuud ka tahay oo ah dhismaha maamullada iyo gaarsiinta adeegyada”, Wasiirka warfaafinta mudane Daa’uud Aweys Jaamac.
“Istaraatiijiyadda xasllinta waa shaqo heer fiican joogta, waana uga mahadcelinayaa wasaaradda arrimaha gudaha, xasillinta kadib waxaa bilaabanaya horumar iyo maamul daadejinta, waana arrimo muhiim ah. Tashiyada in ay ka qeyb galaan wasaaradaha kala duwan, waa arrin bogaadin mudan, waana soo dhoweynayaa”, Wasiirka tamarta iyo biyaha Jaamac Taqal Cabaas.
 
“Barnaamijkan istaraatiijiyadda ee Juhdiga la geliyey hirgelintiisa ayaa na sugeyso, waa in deegaannada la xoreeyey ay dadka isbadal dareemaan, oo ay helaan adeeg caafimaad, waxbarasho, garsoor iyo shaqoabuur, si dowladda loogu kalsoonaado. Waa ku mahadsan tahay wasaaradsda arrimaha gudaha, inaga hirgelintiisa gacan ayaa ka geysan doonnaa wixii inooga aaddan”, Wasiirka caafimaadka Cali Xaaji Abuubabar.
“ Istaraatiijiyaddan cid weliba meel ayey ka leedahay, ciidanka xoogga dalka marka ay meesha qabtaan, ciddii shaqada ku laheyd ayey ku wareejinayaan, kadibna si uu maamulka u baaho, wasaarad walba waa in ay shaqadeeda gudato, barnaamijkan waa howl maskax shiil badan la geliyey, wasiir Fiqi aad ayaan ugu mahadcelinayaa howlaha uu qabtay. Istaraatiijiyaddanna waan ku faraxsanahay, waxaan rajeynayaa in sida ugu dhaqsadaha badan in ay u dhaqan gasho”, Wasiirka ku xigeenka gashaandhigga Cabdifitaax Maxamuud Qaasim.
“In marka meesha laga xoreeyo Khawaarijta adeegyada la geeyo, oo wasaarado ka wada shaqeeyaan waa arrin bogaadin mudan. Meelaha la xoreeyo, ee gacanta cadowga ka baxa, wasaaradda diinta waxaa ay u sameyneysaa culimaa’udiin, oo beentii ay sheegayeen Khawaarijta ku buuxiyo diinta saxda ah, oo wanaagga ah, oo ilaalinaya sharafta qofka mulsimka ah”, Wasiir ku xigeenka diinta iyo awqaafta Saalax Shariif .
“Istaraatiijiyaddan waa barnaamij yididiillo gelinaya goobaha la xoreynayo, waxay beeninayaan sheekada ah in dowladda ay dib usoo laaban doonto, wasaaradda waa ku mahadsan tahay istaraatiijiyaddan xasillinta, meelaha ugu muhiimsan oo la rabo in la fuliyo waa in ay caasimadda Muqdisho ahaato, oo saldhig u ah umadda Soomaaliyeed”, Guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda ee gobolka Banaadir Maxamed Axmed Diiriye Yabooh.
“ Hey’adda maareynta iyo musiibooyinka shaqo ayey waddaa, deegaannada la xoreeyana shaqo ayey ka waddaa, oo daawooyin iyo raashiin ayey qeybisay, waxaanna la howlgalnaa ciidamada xoogga dalka”, Hey’adda Maareynta musiibooyinka Maxamuud Macallim.
“Barnaamijkan talo ayaan ku haleyn, hirgelintiisana waa soo dhoweynayaa, waa mid kaabaya sidii dowladnimada ay ku gaari laheyd meelaha la xoreeyey. Meelaha hadda la xoreeyey, waa meelo u baahan faham dowladnimada iyo adeegga dowladnimada, tallaabadan waa soo dhoweynayaa, waana kala shaqeyneynaa wasaaradda arrimaha gudaha hirgelinteeda”, Guddoomiyaha Bulshada rayidka Cusmaan Muxyadiin Macallim Shaatax .
Daawo: Khudbadda mudane Axmed Macallim Fiqi oo soo xiray kulanka wadatashi ah oo ay soo qabanqaabisay wasaaradda arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta, kaas oo looga hadalayo dib u eegista istaraatiijiyadda qaran ee xasillinta.