- November 19, 2022
- Posted by: Abdiaziz Gurbiye
- Categories: Galmudug, Wararka
Wasiirka arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta mudane Axmed Macallim Fiqi oo ka mid ahaa wafdi uu hoggaaminayo madaxweynaha JFS ee Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa galabta gaaray Wisil oo ka tirsan Mudug.
Wasiirka arrimaha gudaha mudane Axmed Fiqi Macallim oo hadallo kooban oo soo dhoweyn ah halkaasi kajeediyey ayaa reer Wisil ku ammaanay sida ay uga adkaadeen Khawaarijta Shabaab isaga oo madaxweyne Xasan u sheegay in dadka deegaankaas oo xorreysaytay dhulkooda ay hadda diyaar u yihiin in ay qeyb ka qaataan xoreynta deegaannada kale.
Madaxweyne Xasan Sheekh oo goobta ka hadlay ayaa aad u bogaadiyey geesinnimada reer Wisil iyo sida ay cashar lama iloobaan ah ugu dhigeen Khawaarijta isaga oo ballanqaaday in marka xigta ay ku kulmi doonaan Xarardheere.
Wafdi madaxweyne Xasan Sheekh, dhanka heer federaal marka laga soo tago wasiirka arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta mudane Axmed Macallim Fiqi waxaa kale oo qeyb ka ahaa safarkan wasiirka gaashaandhiga Cabdiqaadir Maxamed Nuur, xildhibaanno labada gole iyo saraakiil ciidan oo uu ugu horreeyo taliyaha xoogga Gen. Odowaa Yuusuf Raage iyo mas’uul kale oo heer dowlad goboleed ah oo uu horkacayey madaxweyne Axmed Kaariye Qoorqoor.
Wafdigan madaxweynaha oo saaka ka baxay Muqdisho ayaa horay lugta usoo marayey, soona xog wareystay Maxaas oo Hiiraan ah iyo Baxdo oo Galgaduud ah, labada deegaanba waa meelaha iskaashi dhexmaray dadka deegaanka iyo ciidanka xoogga darteed looga adkaaday cadowga Shabaab.