Wasiirka Arrimaha Gudaha Axmed Fiqi oo Kormeeray  Xarunta Bangiga Dhiigga

Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha federaalka iyo dib u heshiisiinta mudane Axmed Macalim Fiqi iyo wasiirka caafimaadka Dr. Cali Xaaji Aadan ayaa maanta waxaa ay kormeereen xarunta bangiga dhiigga oo uu dhismo ku socdo.

 

Ugu horreyn, waxaa goobta ka hadlay agaasimaha guud ee isbitaalka hooyada iyo dhalaanka Banaadir marwo Fartuun Shariif iyada oo u mahadcelisay dowladaha Sweden iyo Finland oo dhismahaan kaalin weyn ka geystay.

 

Sidoo kale waxaa isna goobta ka hadlay wasiirka caafimaadka Dr. Cali Xaaji Aadan isaga oo sheegay in ujeedkoodu ahaa indhaindheynta bangiga dhiigga oo dhismihiisa socday sanad iyo bar, isaga oo daaha ka qaaday in laba bil kadib in lasoo gabagabeyn doono, waxaa uuna rajeeyey in gobollada la gaarsiin doono.

 

Dhanka kale, wasiirka arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta mudane Axmed Macalim fiqi ayaa hadal kooban uu jeediyey waxaa uu ugu mahadceliyey wasaaradda caafimaadka iyo Isbitaalka Banaadir isaga oo intaa raaciyey in bulshada uu welwel hayey oo arrinkan la xiriirta.

Wasiir Fiqi waxaa uu hadalkiisa kusoo gagabeeyey in haddii uu xarunta bangiggan dhiigga dhismaheeda xarigga laga jaro, uu bangiga dabooli doono baahiyo badan iyo qeyla dhaanta soo yeerta umadda Soomaaliyeed isaga oo yiri “ Bangigan oo injineerada ay sheegeen in laba bil kadib lafuri doono taasi oo ah arin lagu farxo, sidoo kale waxaa la ii heegay in dhiiggan loo dhoofin karo gobalada dalka oo meel kasta oo dhib kadhaca lageyn karo dowladihii kaqeybqaatay ee dalkeenna ugu tabarucay waan ugu mahadcelinaa”.