Wasiirka Arrimaha Gudaha Mudane Fiqi oo Gaaray magaalada Buulaburde

Wasiirka arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta mudane Axmed Macallim Fiqi iyo mas’uuliyiin kale oo labada heer ee dowladda ah ayaa gaaray magaalada Buulaburde.

 

Mudane Wasiir Fiqi, waxaa safarka ku wehliya wasiirka Qorshaynta XFS Maxamuud Cabdiraxmaan Beenebeene, Wasiiru dawlaha Gaashaandhiga ee XFS Cabdi Nuur Fiidow, Xildhibaanno qaran, wasiirka arrimaha gudaha ee Hirshabelle iyo saraakiil kale oo ka tirsan hey’adaha dowladda iyo xasilinta.

 

Safarka ayaa waxaa uu ujeedkiisu yahay u kuurgelidda xaaladda dadka deegaanka, arrimamaha dib u xorreynta, qiimeynta iyo dhismaha buundada ay shabaab qarxiyeen, barnaamijyada xasillinta iyo arrimo kale.

 

Wafdiga ayaa sidoo kale kulammo la yeeshay saraakiisha amniga ee ka socdo ATMIS, ciidanka xooga dalka, Booliiska , maamulka degmada iyo bulshada rayidka.