Wasiirka Arrimaha Gudaha Mudane Fiqi oo La Kulmay Hoggaanka Bulshada Rayidk

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta mudane Axmed Macllim Fiqi ayaa maanta xafiiskiisa kula kulmay Madaxda Dallada Bulshada Rayidka Soomaaliyeed ee (SONSA) iyo Hogaan ka daladaha bulshada rayidka ee haweenka.

 

Kulankaan waxaa goobjoog ahaa agaasimaha guud ee wasaaradda mudane Caydaruus Macalim Xassan iyo xubnaha ka socday ururada bulshada ayaa looga hadlay wadashaqeynta labada dhinac, waxaa kale oo dirradda lagu saaray abaaraha, kacdoonka shacabka, Xasilinta iyo doorka dowladda iyo bulshada ee arrimahaasi kala duwan.

 

Wasiir Axmed Fiqi ayaa sheegay inay soo dhawynayaan talooyinka wax ku oolka ah ay soo jeeediyeen bulshada rayidka loona baahan yahay in ay qayb ka noqdaan Kacdoonka Shacabka ee xoreynta ka dhanka ah cadowga Soomaaliya ee Alshabaab.

 

Wasiirka ayaa ugu dambeyn sheegay in bulshada rayidka looga baahan yahay in ay la shaqeeyaan wasaaradda arrimaha gudaha Dhankiisa,guddoomiyaha dallada bulshada rayidka Soomaaliyeed ee (SONSA) Mudane Cismaan Shaatax ayaa sheegay in ay soo dhowaynayaa kacdoonka shacabka, loona baahan yahay in la qaato talada bulshada rayidka ayna diyaar u yihiin in mar kasta ay soo gudbiyaan talooyin wanagsan.