Wasiir Fiqi oo Soo Dhoweeyey Madaxda Maamul Goboleedyada Si ay Uga Qeybgalaan Shirka Wadatashiga Qaran

Wasiirka wasaaradda Arrimaha Gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta XFS ayaa Muqdisho kusoo dhoweeyey Madaxda Maamul Goboleedyada

 

Wasiirka Arrimaha Gudaha Mudane Axmed Macallim Fiqi ayaa kusoo dhoweeyey caasimadda Muqdisho madxda dowlad goboleedyada si ay uga qeyb galaan  shirka madasha wadashiga qaran.

 

Wasaaradda arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta ayaa si weyn ugu diyaargarowday soo dhoweynta dhammaan madaxda maamul goboleedyada iyo wufuudooda oo lagu wado in ay soo gaaraan caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.