Wasiir Fiqi oo La Kulmay Ergeyga Xogheyaha Guud ee Qaramada Midoobey ee Soomaaliya James Swan

Wasiirka arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta mudane Axmed Macallim Fiqi ayaa maanta kulan isxog-wareysi ah la yeeshay ergeyga gaarka ah ee xogheyaha guud ee Qaramada Midoobay James Swan, iyada oo xoogga la saaray arrimo badan oo hortabin u leh labada xafiis, iskaashi iyo wadashaqeyba.

 

Inta uu kulanka socday waxaa la isla soo qaaday dadaallada dib u xorreynta ee ka socota dalka, arrimaha xasillinta, dib u heshiisiinta iyo gargaarka banii’aadnimo.

 

Wasiirka arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta ayaa dhankiisa adkeeyey sida wasaaradda uga go’antahay in ay wadashaqeyn dhow la yeelato xulafada Soomaliya.