Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo Muqdisho Ku Qabatay munaasabaddda Shuhadada

Iyada oo laga ambaqaadayo hagista wasiirka arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta mudane Axmed Macallim Fiqi ayey wasaaradda arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta maanta ku qabatay Tiyaatarka Qaranka ee Muqdisho munaasabaddda shuhadada ee xuska iyo ducada nabaddoon Cilmi Hagar Guure, Hibaad Cali Dasar iyo guud ahaan inta ku baxday gacanta cadowga Al-shabaab.

Munaasabadda oo heerkeedu sareeyey ayaa waxaa wasaaradda kala qeyb galay ra’isul wasaaraha Soomaaliya mudane Xamze Barre, sii haya xilka guddoomiyaha ahna guddoomiye ku xigeenka golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya marwo Sacdiyo Samatar, wasiirrada arrimaha Diinta Mukhtaar Roobow, Batroolka Cabdirisaq Cumar, wasiirro kale iyo maamulka gobolka Banaadir, waxaa kale oo munaasabadda joogay madaxweynihii hore ee Hirshabelle Cali Cosoble, in ka badan 400 oo odeyaasha dhaqanka ah iyo guud ahaan qeybaha kale ee bulshada sida haweenka iyo dhalinyarada.

Musaabadda waxaa ugu horreyn ka hadlay qaar ka tirsan odeyaasha dhaqanka sida nabaddoon Maxamed Xasan Xaad, Suldaan Diiriye Geelle Cali, Ugaas Maxamed Bashiir iyo Malaaq Ibraahim Macalim.

Odeyaasha dhaqanka ayaa ku nuuxnuuxsaday sida ay diyaar ugu yihiin naf hurnimmo iyo in ay hoggaamiyaan halganka, iyaga oo ku baaqay in la baahiyo goobaha uu ka socdo, lagana wada qeyb qaato.

Agaasimaha guud ee wasaaradda arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta mudane Caydaruus Macallim Xasan oo ka hadlay kulanka ayaa waxaa uu sheegay in Nabaddoon Hagar ka tirsanaa odeyaasha wasaaradda isaga oo yirii “Nabaddoon Cilmi Hagar, waxaa uu ka mid ahaa odeyaasha wasaaradda, ka wasaarad ahaan waxaa xusuusaneynaa halganka uu horseeday.

Jawaahir Baarqab oo ah guddoomiyaha haweenka gobolka Banaadir ayaa waxaa ay munaasabadda ka sheegtay baahida loo qabo dhameystirka argigixisada iyada oo tiri“Waa dhameystirkii, waa baacsigii Alshabaab, innaga haween ahaan, horay ayaan bannaanka u taagneyn, haddana waa diyaar, meel odey Soomaaliyeed uu ka dhintay wax nool ma jiraan.

Madaxweynihii Hirshabelle Cali Cabduulahi Cosoble oo goobta ka hadlay ayaa ku dheeraaday taariikhda nabaddoon Cilmi Hagar isaga oo yiri“Cilmi Hagar, 65 sano jir ayuu ahaa, waxaa uu ku dhashay Buulaburde, waxaa uuna horay uga tirsanaa ciimada xogga dalka, markii dambe guddoomiyaha odeyaasha dhaqanka ee Hiiraan.

Madaxweyne Cosoble, waxaa uu ka hadlay sababta uu u dhintay Nabaddoonka “Cilmi Hagar, waxaa uu u dhintay in dadka Soomaaliyeed aan la banneysay dhigooda, Cilmi Hagar waxaa uu u dhintay in hooyo iyo aabo aaney ooyin, Cilmi Hagar waxaa uu u dhintay in dhalinyarada helaan waxbarasho.

Wasiirka Batroolka Cabdirisaaq Cumar Maxamed oo kulanka ka hadlay waxaa uu yiri “Dagaal ay Shabaab ku guuleysteen lama sheegin, laakin ma aha inuu hal furin ka socdo, maamul goboleedyada aan dagaalka ku jirin, waa in lasoo geliyo, dagaalkan Macawisley keliya in lagu halleeyo ma aha, dadka oo dhan in is taago la rabo.

Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Mukhtaar Roobow oo ka hadlay kulanka ayaa waxaa uu sheegay in aaney wada noolaan karin shacabka Soomaaliyeed iyo Shabaab isaga oo yiri “Soomaaliya iyo Shabaab ma wada noolaan karaan, Soomaaliya si ay u noolaato waa in Shabaab baxo.”

Wasiir Mukhtaar waxaa uu ka hadlay niyad jabka ka muuqdo Shabaab isaga oo yiri “10 sano kahor Shabaab iyaga ayaa buundooyinka dhisayey, maanta iyaga ayaa duminaya, taasi waxay ku tusieysaa quus”.

Wasiirka diinta iyo awqaafta Roobow mar uu ka hadlay reer Hiiraan waxaa uu yiri”Reer Hiiraan umadda Macalim ayey u noqdeen, halgan ayey bilaabeen, culeys ayaa saaraan, gargaar ayey u baahan yihiin.

Wasiirka arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta Axmed Macallim Fiqi oo ka hadlay munaasabadda xuska iyo ducada nabaddoon Cilmi Hagar Guure iyo Hibaad Cali Dasar ayaa sheegay in odeyaasha dhaqanka ay qeyb ka ahaayeen dowlad dhiska iyo halganka socda isaga yiri “ Odeyaasha dowlad dhiska iyaga ayaa aasaas u ah, odeyaashana dagaalka hadda socda iyaga ayaa gundhig u ah”, waxaa uuna intaa ku daray “Dagaalka in loo diyaargaroobo waa muhiim, dhiiranaan ayaan rabnaa, yaan la dhayalsan, dadkii Soomaaliyeed oo soo jeestay, oo Shabaab ka hadlaya wax sahlan ma aha” Mar uu ka hadlay Hibaad Cali iyo nabaddoon Hagar, waxaa uu wasiir Fiqi yiri Hibaad, waxaa uu ahaa geesi tol waayey, 2018 ciidan waa joogeen, wax walba waa joogeen, laakin isaga ayaa u istaagay halgan.

nabaddoon Hagar waxaa uu ka tirsanaa odeyaasha wasaaradda, waxaan xuseynaa dhammaan dadkii shahiiday.

Guddoomiye kuxigeenka golaha shacabka Marwo Sacdiyo Samatar oo iyadana goobta ka hadashay ayaa qurbajoogta Soomaaliyeed ugu baaqday in dhaqaale ku bixiyaan gulufka ka dhanka ah Shabaab”Qorbajoogta Soomalaiyeed, waa in dhaqaale lasoo garab istaagaan mujaahidiinta Dagaalka kula jira cadowga ummadda Soomaaliyeed”.

Ugu dambeyntii, ra’isul wasaare Xamze Barre oo soo xiray kulanka ayaa sheegay in qorshaha dowladda uu yahay la dagaalanka Al-shabaab.

“Qorshaheenna 1-aad, 2-aad iyo 3-aad waxaa uu noqday in waddankan aan waxba laga qaban karin meel ay Shabaab joogaan, Dowladda waxaa ay Shabaab ula dagaalameysaa qaab militari ah, maal iyo dacaayadaha ah” ayuu yiri ra’isul wasaaraha isaga oo intaa raaciyey “Waxaan ku jirnaa marxalad taariikhi ah, waxaa muuqato in aan guuleysaneyno, oo Shabaab inta la filayey in ka yar dalka looga xoreyn karo”.

Ra’isul wasaare Xamze Barres sii hadlaya ayaa dadka u sheegay in aan la aqbali karin in Shabaab la siiyo xoolo isaga oo yiri”Dadka xoolaha siinaya Shabaab, lama aqbali karo, xoolahaasi masaakiinta ayaa xaq u leh, Dadka Soomaaliyeed waxaan u sheegayaa, dowladda Soomaaliyeed dagaal ayey iclaamisay, waajibkeenna waxaa waaye kulligeen in aan halkaas aadno ayaa la rabaa, khawaarij qabiil ma aha, ee waa camal, culimada waxay sheegeen in camalkii Khawaarijta ay leeyihiin, Shabaab ma aha, waa khawaarij, nimankan Khawaarij ayaa la yiraahdaa, oo aan dadka la wareerin oo aan la dhihin wadaaddo ama Shabaab”.

Ra’isul wasaare Xamze Barre ayaa hadalkiisa kusoo gabagabeeyey in kooxdan la iska celiyo isaga oo yiri “Inta Zoobe nooga dhimatay ayaa ka badan inta nooga dhimatay 5 sano oo foolka fool ah aan kula jirnay Al-shabaab”.