TACSI: General Farxaan Maxamed Aadan (Farxaan Qaroole)

Wasiirka arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta mudane Ahmed Moallim Fiqi ayaa ka tacsiyeeyey geerida taliyihii booliiska gobolka Banaadir Gen. Farxaan Maxamed Aadan (Qaroole) oo maanta shahiiday kadib markii ay beegsadeen khawaarijta Al-shabaab.

“Allaha u raxmado taliye Farxaan, wuxuu dhintay asagoo dalkiisa u adeegaya, dadkiisana ka daafacaya khawaarijta, waxaan ilaahay uga baryaynaa inuu shahaadadiisa u aqbalo” ayuu yiri wasiir Fiqi.