Ahmed Moallim Fiqi ayaa Maanta xafiiskiisa ku qaabilay masuuliyiin ay hogaaminaysay Mary Cummins ka socday xafiiska (IESG) ee hoostaga UNSOM.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Mudane Ahmed Moallim Fiqi ayaa Maanta xafiiskiisa ku qaabilay masuuliyiin ay hogaaminaysay Mary Cummins ka socday xafiiska Integrated Electoral Support Group (IESG) ee hoostaga UNSOM.
Wasiirka waxaa kulanka ku wehlinaayay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Mudane Ilyas Ali Hassan iyo Wasiir ku xigeen Wasaaradda Amb Cabdixakin Xasan Ashkir, ayaa waxaa looga hadlay arrimaha farsamo iyo kuwa u baahan go’aannada siyaadeed ee khuseeya doorashooyinka 2026 ee dalk ka dhacaya.