Kulanka “kaalinta odayaasha dhaqanka ee ka qaybgalka Dib u xoraynta dalka iyo amniga Caasimadda ayaa ka Furmay Magaalada Muqdisho”.

Shirka Wadatashiga Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta iyo Odayaasha Dhaqanka ee ku saabsan kaalinta odayaasha dhaqanka ee ka qaybgalka Dib u xoraynta dalka iyo amniga Caasimadda ayaa ka Furmay Magaalada Muqdisho.
Shirka waxaa daahfuray Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Mudane Axmed Macalin Fiqi oo ay wehlinaayaan Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Mud. Ilyas Cali Xasan iyo Wasiir ku xigeen Wasaaradda Mudane Amb Cabdixakin Xasan Ashkir iyo Agaasimaha guud ee Wasaaradda Mudane Saciid Cabdullahi Calasow.
Wasiir Ahmed Moallim Fiqi ayaa ugu baaqay odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed in ay kaalintooda ka qaataan dagaalka dalka looga xoreynaayo Cadowga Argagixisadda Al Shabaab ee dib u xoreynta dalka.
Sidoo kale Wasiirka ayaa sheegay in dawlada cusub ay rabto odayaasha in kaalin muuqata ay kaga jiraan Dowladnimada afarta sano ee soo socota ayna isku xiraan bulshada iyo dawladda kuna dhawaaqaan in la iska dhiciyo cadowga Ummadda Soomaaliyeed
Odayaasha dhaqanka ayaa dhankooda sheegay in ay diyaar u yihiin in kaalintooda ka qaataan dib u xoreynta dalka iyo amniga Caasimadda.